Posts

Showing posts from May, 2017

TAQWADA IYO ALLE KA CABSIGA

Image
Alle kor ahaaye wuxuu yiri :        :قال اﷲ ﺗﻌﻟﻰ 21.  " Kuwa  Alle  rumeeyow ka Cabsada Alle cabsidiisa Dhabta ah  ". (Suuradda aali-Cimraan:Aayadda 102). Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:  :قال اﷲ ﺗﻌﻟﻰ                 22. "Alle ka cabsada intaad kartaan (ee karaankiina ah) ". (Suuradda al-Taghaabun:Aayadda 16). Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:       :قال اﷲ ﺗﻌﻟﻰ   22. " Kuwa Alle rumeeyow ka cabsada Alle, wax sanna ku hadla". (Suuradda al-Axsaab:Aayadda 70). Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:       :قال اﷲ ﺗﻌﻟﻰ   23. Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: " Qofkii Alle ka cabsada oo waajibkii iyo xilkii uu saaray guta, irkad buu u yeelayaa, meel uusan filaynna waa ka arsaaqayaa". (Suuradda ad-Dalaaq:Aaydda 2-3). Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:       :قال اﷲ ﺗﻌﻟﻰ   24. " Kuwa Alle rumeeyow! Haddii aad Alle ka cabsataan oo xilka iyo waajibka uu idin saaray gudataan wuxuu idin siinayaa iftiin aad ku kala saartaan xaqa iyo baadilka, wuxuu