Posts

Showing posts with the label Qormooyin xiiso leh

Wax badan ka ogaaw Beelweeynta mudulood

Image
Qeybaha Mudulood: - 1 maxamad mudulood( abdi sheikh) 2. Ciise mudulood ( ujeejen) 3. Dalandoole mudulood 4. Wacweetaan mudulood 5. Daaro mudilood  Dalandoole waxa u u kala baxaa 1. Hilibi dalandoole 2. Cusmaan dalandoole (Abgaal Cusmaan, Moobleen Cusmaan, Wacdaan Cusmaan, Ilaawaay Cusmaan Abagaal waxa u u kala baxaa 9 waxay kala yihiin 1. Harti abgal 2. Wacbudhan abgal 3. Warculus abgal( waceesle) 4. Deema culus abgaal 5. Damuumiye abgaal 6. Ceenato abgal 7. Deylacood abgaal 8. Atwaaq ( maxamud abgal) 9. Cabdullaahi( jurtub abgal) Waceesysle waxa loo kala qaada 4 waaweeyn waxe kala yihiin 1.maxamad waceesle( harun) 2.jabrail wacesle 3. Saleeban wacesle 4. Cumar waceesle Salmeebaan wacesle  1.cabdiraxman saleban  2. Cumar saleman Cumar wuxuuu dhalay 1. Dhaga weyne cumar saleban 2. Oogale cumar saleban  3.cabdale cumar saleban  Cabdalal cumar :- 1. Absuge 2. Cali gaaf  3 macalim dhiblawe ©️ Ahmed Jubba #BeeshaMudulood #BeelahaMudulood #Mudullood #ShirkaMudull...

First International summit in Somalia #MTS2018

Image
My name is Ahmed Hassan Often people  call  me  Jubba. I'm a student (  Bachelor Degree in IT at SIMAD university), writer and youth activist. I would like to write an article about the international conference of MTS2018 held in Mogadishu  and what it meant to Somali nation and the people. Not too long ago Mogadishu hosted a major international conference for  technology and  entrepreneurship aimed to encourage start-ups working in Somalia.  The three-day event that began Tuesday was organised by iRISE Hub to showcase the work of thousands of  local companies Kudos to you guys.  The Mogadishu Tech Summit is annual gathering that come together  business community, donors, private sector, entrepreneurs and development organizations to make  innovation and technology to promote  a sustainable development as Somalia strives towards technologically stable. The summit brought  together Somali innovators, entr...

Jack Ma - Sheekada cajiibka ah ee aasaasaha Alibaba

Image
Dhamaanteen waxaanu nahay dad mar walba raadiya nolosha dhabta ah si ay u kiciyaan geeddi-socodka fikirkeena si aan u dareeno dhiiranaan joogta ah. Maalin kasta waxaan aragnaa dad badan oo oo nagu cusub, laakin qiimo badan naguma lahan waxaan jecelnahay in aan la hadalno dadka ay tahay in aan lahadalno si ay wax noola wadaagaan. Markaan caruurta ahayn sheekooyinka dhiiri galinta ah aad ayaan u jecleen waxaan ka heli jirnay kalsooni sheekooyinkaas. Daraasaduhu waxay sidoo kale ogaadeen in sheekooyinka cajiibka ah ay saameyn wanaagsan ku yeeshaan maskaxdeena, waxayna naga caawisaa inaan noqonno qof hami sare leh , deeqsinimo leh, iyo hagaajinta muuqaalkeena guud ee nolosha. Sidaa darteed  maanta, waxaan ka sheekeyn doonaa sheeko. Sheeko ku saabsan nolosha nin oo saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dunida. Sheekada Jack waa mid  aan ka yareyn sheekadii odaygi qawaarka ahaa ee Robert (111 sano jir). Jack Ma Yun  oo dhashay 15 Oktoobar 1964 waa ganacsade Shiinees ah, maalgasha...

SHEEKOOYIN KU BADALI DOONA Q1aad

SHEEKADA 1AAD QOF WALBA WAXA UU LEEYAHAY QISO U GOONI AH:- Wiil 24 jir ah oo ka soo jeeda daaqadda tareenka ayaa ku qaylinayay  aabihiis waxaa uuna dhahay... "Aabbow, fiiri geedaha way iska daba kudayaan!" Dad badan ayaa dhoola cadeyey sidoo  kale lammaane fadhiya meel u dhow, waxay damoodaan mar walba niyad jab leh 24 jirka u dhaqmaya sida caruurtii oo kale, si lama filaan ah ayuu mar kale aabihiis kula qeeliyey... "Aabahay, fiiri daruuraha ayaa nala socda!" Lamaanihii oo is celin waayey ayaa  oo waxay ku dhaheen ninkii waayeelka aha... "Maxaad wiilkaaga u geen waysay  dhaqtar si xaaladiisa loo dajiyo?" Ninka waayeelka ah ayaa dhoola caddeeyey oo yiri: "Waan geeyey, waanan  hada kasocona cisbitaalka, wiilkaygu indhoole ayuu ku dhashey, indhahiisa ayuu maanta  helay marka waxyaabahaan dabiiciga ah oo anaga yaraanteen ilaa hadda aan aragno waxay nala noqdeen wax caadi ah laakin asiga waa saacadi ugu horeesay ee indhahiisa wax ku arko."...

Iyadoo Dibadda la dhigay baan helay, haddana Hooyo bey ii taqaana

Image
QISO YAR OO CAJIIB AH. Jaamacad baan ka soo Dhameeyey Waddanka Suudaan. Anigoo Dalka ku cusub oo Labo bilood wax ku dhow joogo, isla markaana aan ahay Shaqo Raadis ah ayaa habeen habeenadda ka mid ah waxaa Gurigayga hortiisa lasoo dhigay ilma yar Saddexdii Habeenimo. Qaboow Zaa’id ah ayaa jiray, waxaana Huwanaa Buste aad uu weyn oo Dhaxanta aan kaga jiro, waxaana aad u dareemay Dhaxan badan. Ilmihii yaraa qeyladiisa ayaanu maqalnay ka dib Xagga Dibadda ayaan u soo Dhaqaaqay. Waan ku istaagi lahaa oo Afka hore ee Albaabka ayuu yaalay ilmaha yar oo markaas Dhashay oo Oohintii ka Dhamaatay. Waan yaabay, waayo waa markii igu horeysay ee aan la kulmo ilmo Dibad la dhigay oo waxeynu ka Baqnay dhamaan Xaafadii, oo dhinac aan uu Dhaqaaqno ayaan garan weynay. Aakhirkii ilmihii waanu soo Xaraynay, Gabar ayey noqotay. Waagu marku baryey, waxaan iskugu yeernay Deriskii si loo Ogaado Cid soo dhigtay iyo bal haddii jirto in Cid laga soo Xaday. Waxaanu waynay jawaab, dabadeedna ilmihii wax...

QATAR WAYN OO KU SOO WAJAHAN DHALINYARADEENA SOOMAALIYEED

Image
QATAR WAYN OO KU SOO WAJAHAN DHALINYARADEENA SOOMAALIYEED GAAR AHAAN QAAR KA MID AH ARDAYDA DUGSIYADA SARE IYO JAAMACADAHA DALKA -------------------------------------------------------------- Ku: Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare Ku: Wasaaradda Caafimaadka Ku: Wasaaradda Ganacsiga Ku: Baarlamaanka Soomaaliya Ku: Dalladaha waxbarashada dalka Ku: Dhakhaatiirta Soomaaliyeed Ku: Culimada Soomaaliyeed Ku: Ururada Dhalinyarada & Ardayda Ku: Warbaahinta qaybeheeda kala duwan Ku: Dhamaan waalidiinta iyo Guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed #Qormadan inaan iftiimiyo waxaa igu kalifay qisadan: ---------------------------------------------------------------------- Waxay ahayd maalmo ka hor, waxan lacag ka sarifanayay dabakaayo (sandaqad yar) oo ku taala mid ka mid ah isgoysyada magaalada muqdisho, intuu lacagta ii tirinayay ayaa waxa isoo dhinac istaagay labo wiil oo dhalinyaro ah mid ka mid ah ayaa la hadlay wiilkii dabakaayada iibinayay, aniga codka si fiican...

Somali invisible war- Dagaalka qarsoon

Image
(Invisible war ) dhalaankeenna yar yari waxay ku ababaan sida qorika loo Rido, loo qaato , wax loogu dilo, bulshaduna ay dhaqan iyo caado ka dhigteen haysashada hubka sharci darada ah, iyo ku gabood falka isticmaalka hubka. Ciyaalka ababkoodii iyo koritaankooda koriinimo la kowsaday dagaalo , dhac, dil, iyo qori layska wato, haddana aan loo miidaan deyeyn maxaan ka filan karnaa in maskaxdooda laga helo!!!!!!!!!!! Waa iska cadday jawaabta iyo warcelinta su,aashaydu , waa inuu maro habraaca iyo sida wax u jiraan kuna sii tababarto qaabka hubka loo Rido, wax loo dhaco, hubkana loo haysto. Natiijo fiican iyo rajo fiican kama filayno weynaantiisa!!! Ilahay ban ka baryeynaa inuu ubadka inoo hagaajiyo, waddankana dhibaatada inoo ga saaro isagaa awood leh. Isbedelka umaded waa korinta dhallaan ku carbisan wax u qabashada dadkiisa,dalkiisa iyo diintiisa. W/Q: Ahmed Jubba

Maxaa kala socotaa basaasida/jaajuusida internet-ka uu kugu hayo?

Image

Tiknoolijiyada noqon karta mid wax ku ool ah oo ku haboon Soomaaliya. -AXMAD JUBBA

Image
A niga waxaan xiiserya arimaha tiknoolajiyada waana maadada aan Jamacada ka darsayo haatan. waxaan aaminsanahay in Tiknoolijiyada wax weeyn kabadali karto noolaha dunida kunool qaabka ay u noolyihiin wax badana u sahli karta. Waxaan qormadaan uga hadli doona Tiknoolajiyad ku haboon wadankeena somaliya taas o kadhigi karta somaliya cusub o aan ula jeedo in si ween looga faaidesan doono wadankana dhaqaalo ahaan is badali doono wa haddi si wanaagsan loo maamulo.  Ma aqaan wax badan oo ku saabsan cilmiga  sayniska dhulka iyo dabeecadahiisa laakin waxaan xoogga saari doona dhanka tiknoolajiyada sida ay u suurta galin karto degaan iyo dhul cagaaran o bad qaba. Masar waa wadan iska ooman, waxaa ku hareereesan dhul saxaro ah sida saxaraha Galbeed,  Bari iyo Nubiyaan  . Waddankaan waxa so maray abaaro, daadad iyo macluul aad u daran laakiin masar waxay awood u heshay maareeynta biyaha Niil ayado adeegsaneysa biyo xireeno waween sida biya xireenka aswaan. 20ka sano e...

SIDEE QOF LOOLA TALIYA?

Image
'' Amaantu qofki hogtaa, dhaliishu hankee dishaa, talana ruuxee hagaajisa", Q1aad Qormadaan waxaan uga hadlidoona mowduuc aan u bixiyey wa maxay taladu, sideesa qof loola taliyaa, qof bani aadamka ahi waxa u lanoolyahay bulsho, hanoqoto dad aad asxaab tihiin ama ha noqdeen dad aad ladhalato o qaraabo a tihiin ama dad ay shaqo idinka dhaxeeso ama aad wax labarato, qofka dad baa ku hareereesan, hadaad jeceshahay iyo hadaad neceb tahayba saameen bay kugu leeyihiin dadkaas si togan iyo si tabanba. Hadaba, waxa layiraahda qofka wa ceceliska shanta qof u lasocdo, tusaale ahaan shanta qof aad lasocoto haday shan tuug yihiin adiguna aad dhowrsantahay, si kastaba aad u dhowrsantahay ugu yaraan hadaad muddo lasocoto haddi aad xitaa tuug noqon waydo waxa lagayaaba in aad astaamihi tuugta aad yeelato ilaa marki dambo ayago kale noqoneeso, wa caksi hadaad lasocoto qof wanaagsan waxa lagayaaba in u kusaameyo, Si hadaba dadkaa a lasocoto ay noqdaan dad san, aad wax lawadaagi k...

FARIIN KUSOCOTA SOMALIDA KENYA

Image
ASALAAM Calykum Waraxmah!. Marka hore alla aya mahad usugnaatay, allahi nasiiyey nimcada islaamka o ah nimcooyinka ugu waaween e alle u bixiyo, waxay naxariis iyo nabad galyo u sugnaatay Nabigeena Mohamed S.A.W. Kahor fariinteyda kusocoto dhamaan muslimiinta kenyanka ah gaar ahaan Somalida, Waxaa igu dhaliyey in aan wax kaqoro arin aan aad uga yaabay o an kanaxay runtii, subxanallah, arintas oo ah in nin christan ah isku dayayo muslimiinta kenyanka ah in uu kabxasho diintooda islaamka ah muqadaska ah, waxa u siiya lacag, muuqaalo ayu magalada kadaraa asigo kudhiiri galinaya in ay qaattaan christanimada. Wa nin mareekan ah, waxa uu dadaal dheer ugu jiraa sida u u faafinlaha christanka guud ahaan qaarada africa gaar ahaan waxa u dhawanahaan joogay dalka kenya o uu dad fara badan ku duufsaday waxa uu u balan qaada lacago fara badan, inta imaankooda liito si fudud ayey ku racaan ayago fiirineen masiirkooda aakhiro iyo aduunyaba. waxa idinkaga muuqda sawirdaas aad ar...

Qormo: Kudalxiis dalkaaga!!!

Image
Is-goyska KM Zero fogaan dhanka waqooyi bari ka xigta waxaa ku taalla xeebta Liido ee degmada Abdil-aziz. Waxaana saacad kasta ku socdaala boqollaal dhalinta caasimadda ah oo kusii jeeda xeebta. Waxaan koox dhalinyara o an kujiray u aadnay damaashaad in aan kuso dalxiisno xiibta kuna so dabaalano. Durdurka dhalinta xeebta timaadda awgeed, waxaa jira gaadiid shacab oo si gaar ah usoo aada dhankeeda. Qof kasta oo halkan yimaada wuxuu ku qaata waqti dheer kahor intaanu haakah ka dhihin. Xeebta Liido waa mid aad u ballaaran. Waxay dhabarka ku heysaa dekaddii hore ee Duqda. Waxaana hareeraha kaga yaalla xarumo kala duwan oo laga helo cunnooyin fudud iyo fadhi. Dad badan oo dalka iyo dibaddiisa ku nool ayaa jecleysta inay yimaadaan halkan. Kuwo ayaase riyadooda run ku af-meera. Waxay ugu danbeyn naftooda ka helaan iyaga oo dhex-taagan xeebta Liido. Waana mid kamid ah ujeeddo ay Muqdisho ugu soo hiloobaan. Waxaa jira sababo badan oo bulshada Muqdisho ay usoo abaaraan xeebta Liido...

Hadda same website si bilaasha ah!

Image
Haddi aad layaabantahay sida loosameyo blog ama website,  nasiib ayaad leedahay sababto ah waaba waxa aan hadda kutusidoono o markaad aqriso kadib aad sameenkarto blog si bilaash mana u baahnid in aad iibsato Domain name, waxay u baahantahay 20 daqiiqo o kaliya mana u baahnid in aad wax kataqaano naqshadaha ama farxshaxanka website sameenta (HTML coding or graphic designing ) safarkaas ayaan bilabaya e indhaha kuhaay laakin marka hore maxaa uga baahantahay blog?  in aad noqoto qof wax fahmi kara:   in aad blog leedahay waxay kaacawinesa in aad u fakirto si wanagsan si aad isbadal uga sameeso ganacsigaaga, waxbarashadada iyo wax walba aad u adeegsato bloga in codkaaga lamaqlo:  way dhamatay xiliyadii dadka madaxda ama dadka lacagta leh ama dadka caanka hawada qabsan jireen, wa waqtigaaga, waxaad niyada kuhaysa wax walba oo aad kuqorto bloga in u kamid yahay keedka Googl-aha ama si fudud lagu so heli karo, fursadna siinaya aqristayashada aduunyada meel walba a...