Tiknoolijiyada noqon karta mid wax ku ool ah oo ku haboon Soomaaliya. -AXMAD JUBBA


Aniga waxaan xiiserya arimaha tiknoolajiyada waana maadada aan Jamacada ka darsayo haatan. waxaan aaminsanahay in Tiknoolijiyada wax weeyn kabadali karto noolaha dunida kunool qaabka ay u noolyihiin wax badana u sahli karta.

Waxaan qormadaan uga hadli doona Tiknoolajiyad ku haboon wadankeena somaliya taas o kadhigi karta somaliya cusub o aan ula jeedo in si ween looga faaidesan doono wadankana dhaqaalo ahaan is badali doono wa haddi si wanaagsan loo maamulo. 
Ma aqaan wax badan oo ku saabsan cilmiga  sayniska dhulka iyo dabeecadahiisa laakin waxaan xoogga saari doona dhanka tiknoolajiyada sida ay u suurta galin karto degaan iyo dhul cagaaran o bad qaba.

Masar waa wadan iska ooman, waxaa ku hareereesan dhul saxaro ah sida saxaraha Galbeed,  Bari iyo Nubiyaan  . Waddankaan waxa so maray abaaro, daadad iyo macluul aad u daran laakiin masar waxay awood u heshay maareeynta biyaha Niil ayado adeegsaneysa biyo xireeno waween sida biya xireenka aswaan. 20ka sano e ugu dambeyeysay masar dhaqalaheeda wa u kordhay macluushiina sidaas ayeey uga baxeen.
Xilligan an hadda joogno wabiga Nile ayaa koronto siiya shirkadaha ganacsiga ugu waaween dalka Masar ayagoo isticmaala tiknoolojiyad lagu magacaabo Hydropower Technology  iyo pumped storage plant  Oo loo isticmaalo in lagu dhaliyo koronto ayadoo laga faaideesanayo qul-qulka biyaha sidoo kale waxa u biya xireenadaas fududeyaan wax so saarka beeraha si ay u helaan waraabinta dalagyada. iyo biyo siinta magaalooyinka waaweyn ee wadanka masar ayagoo isticmaalaya tiknoolajiyada biyaha korontada kadhaliso

Xusuusnow masar waxa ku nool qiyaas ahan 100 million+.  Somaliyana wa 24 million... somaliya dhul xebeedkeeda wa 3,333 km2. masarna wa  2,450km2 bal qiyaas qaado, dhul xebeedkaas tirada badan o u dheertahay labada wabi e kufadhiyo laga so bilaabo gobolka gado ila goobweyn o ah kismayo oo waliba ku nooshahay dad aan dhameen 30 million so kama dhaqaalo bad naan laheen masar? Aqristo iga jawaab suashashaas.

waxaan ugu baqayaa dhamaan umada somaliyeed in ay fadhiga ka kacaan ay u tabaabushtaan sidii wadankan dhaqalihiisa kor loogu qaadi laha ayadoo laga faaidesanayo isticmaalka tiknolojiyada. dagaal wa lagu so dhibtooday e aan tijaabino dhanka wax so saarka dalka ayadoo laisticmaalayo habab casri ah.

Tiknoolijiyadaan ayaa lagu tijaabiyay Spain, UAE, Oman iyo waxa loo isticmaalay Australia mashruucii waxsoosaarka ganacsiga ee Khudaarta. Tiknoolajiyadaan waxaan u maleynayaa in loo sameeyey Somaliya!. Xeebta Gubaan iyo xeebta Hindiya ee raas caseer ilaa Hobyo ayaa ah mid aan xad lahayn o ah dhul aad u ballaaran lakiin aan waxba laga so saarin.

Sida iska muuqata qeeraadka wadanka 1% xita sida saxda ah loogama faaidesto waxan hubaa haddi dooxada jubba kaliya laga faaidesto dhan walba wax so saar iyo koronto siinesa dhamaan wadanka maaha kaliya in ay quudiso dadka oo dhan laakiin waxay suurtogal u tahay in wax la dhoofiyo o dhaqaalo xoowli ah halkaas kayimaado taas oo suurta galinesa in dadka ay ku mashquulaan wax so saar sido kale waxa kordhilaha dalabka shaqaalaha taas o kadhigi karta somaliya wadanka xasiloon dhaqaalo ku filana leh.

Ugu dambeeyn, Gacaliye aqriste maxay kulatahay in lagu dhaqaaqo marka hore? Qeebta hoose ee faalada kuso qor fakirkaaga.

walaal share garee qormadaan dad badan ayaa u baahan in ay ogadaan arintan.

W/Q: Ahmed Jubba




Comments

  1. Wllo waa runtaa balse Marka hore dalka somaliya nabd ha helo lkn somalida dhaqan ayey u leedahy inay wax beereto oo xoolo raacdo

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Wax badan ka ogaaw Beelweeynta mudulood

TAQWADA IYO ALLE KA CABSIGA

Abwaan Qaanso, Tix Gabay ah