Tima weeyne- Ahmed Jubba
Ragga oo timaha sii daaya waa dhaqan Soomaaliyeed - haddana waa calaamadda wadaniyiinta Soomaaliyeed. 2013 waxa ay aheed xiliga aan aniga timaha deestay runti waxa ay i aheed qibrad aan ku ogaaday sida ugu wanaagsan aad timaha u korin karto muddo fudud waxaana ka sameen doonta qormo goor dhaw insha'allah. Sideen ku ahay timaha badan? Bal aan arko fakirkiina. Go, cad baannu xirannaa Gammuun baannu qorannaa Gabooyaha la geliyaa Golxab baannu tummannaa Gaashaan baan yagleellaa Kabo feygamuuraan Gocandhada ka sidannaa Geed baa la waabaa Gogol baa la fidiyaa Guurti lagu casuumaa Gar kastoo adayg badan Waaan talo gorfeeya