Posts

Showing posts from March, 2018

"Hadafkeeyga waan gaari doona uma joojin doono qadar rabi oo igu dhacday uma joojin doono hamigeeyga"

Image

"Waryaa Daljir see wax ku waddaa? Ma suuqaad naga saaraysaa?" Warbixin muhiim ah

Image
HALYEY - (Sheeko Gaaban) Markuu weriyihii la soo daahay daabicidda qaraxii dhacay ayaa waxaa soo wacay mulkiilaha wargeyskii uu u shaqeynayay oo xanaaqsan. "Waryaa Daljir see wax ku waddaa? Ma suuqaad naga saaraysaa?" ayuu lahaa mulkiilihii. Weriye Daljir: "Mudane maxaa dhacay?" Mulkiilihii: "Ma war duugoobay ayaad rabtaa inaad soo dhejisid? Websaatyada kale ayaa nooga hormaray warkii qaraxa." Weriye Daljir: "Mudane marka hore waxaan rabay inaan soo hubsado magaca askartii ku shahiidday qaraxa. Ka dibna aan qoro warka." Mulkiilihii oo qeylinayo: "Magac? Ma magaca askarta? Magacooda maxaa ku daba dhigay? Dheh 'Qaraxa waxaa ku dhintay askar.' Hadda soo dheji warka. Yaan mar dambe na looga hormarin wararka degdegga ah." Weriye Daljir: "Mudane laakiin waa hagrasho in aan soo qoro askar magaclaawayaal ah. Askarigu waa difaacii sharciga. Waa tiirkii nabadda. Waa halyeygii shacabka. Haddii cadawgu

Waxay kor uqaaday caagii(packet) caanaha

Image
Kursi kamida kuraasti qadada oo meel fog yaalay, bey so jiidatay, iyado culeeskiisa xamilistiisa u adkaysanaysa. waxay hor keensatay firiijka. Kursigii intey kortay beey albaabkii firiijka furatay. Halkii baaket(packet) oo caanaha ahaa oo reerka uyaaley ayey firiijka kala so baxday. Caanihi bey dhulka dhigatay, markaas-bey mar labaad kursigii durjisay oo xaga weelashu yaaleen u durjisay. Kursigii bey marlabaad kortay oo koob kuso qabsatay. wey so dagtay oo caanihi iyo koobki is ag dhigatay. In ay caagi caanuhu kujiraan furto baa waqti kuqaatay. Ugu danbays wey ku guulaysatay furitaankiisi Waxay kor uqaaday caagii(packet) caanaha, ayado isku dayeysa in ay ku aadiso koobka oo ay ku shubato. Dhibcihii u horeyay gees bey ka mareen koobkii oo dhulkey ku shubmeen. meysan rajo dhigine wey isku dayday iney ku aadiso koobka, lakiin wuu cuslaa caagu oo wuu buuxay weyna celin weysay. Meysan rajo dhigin ilaa in ay wax uun koobka ku dhacaan maogiye. Sidii ayeyna kusii shubtay caanihi. Waxaan

History of science and technology in Africa

Image
Africa has most record of human technological success  : the oldest stone tools in the world have been discovered Africa, and later evidence for tool production by our  hominin ancestors  has been found across  Sub-Saharan Africa . The  history of science  and technology in Africa since then has, however, received relatively little attention compared to other regions of the world, despite notable African developments in  mathematics ,  metallurgy ,  architecture , and other fields. In 1987 the third oldest canoe in the world and the oldest in Africa, the  Dufuna canoe , was discovered in  Nigeria  by Fulani herdsmen near the Yobe river and the village of Dufuna. It dates to approximately 8000 years ago, and was made from African mahogany.

Macalinka sanadka

Image
Richard Appiah Akoto waa 33 jir Ghanese ah oo dhiga cilmiga information and communication technology (ICT), waxuuna macalin ka yahay 6 sano Betenase M/A Junior High School oo ku yaala magaalada Sekyedomase waana meel 2 saac iyo bar u jirta waqooyga caasimada 2aad ee Ghana Kumasi, mar uu dhigaye microsoft word macalinkaan ayaan isticmaalin wax computer ah asigoo taas badalkeeda isticmaalay sawir ka tarjumaya microsoft word program uu ku sawiray sabuuradda adigoo aad moodo inuuba yahay wordkii caadiga ahaa, dadka badankooda ayaa aad ula yabeen markee shekadan arkeen, arinkaan ayaa qabsaday baraha bulshada waxaana aragtay shirkada microsoft idoo u balan qaaday macalinkaan inee computero badan u keeni doonan. Macalinkii sanadka😯

Adigu Ma istaqaan??.

Image
Qofkii aan aqoon  shalaydiisa,ma yaqaan maantadiisa  halka uu joogu, kaan maantadiisa aan aqoona ma yaqaan Berri halkuu u socdo. Haddii aad maanta Aragtay Somali wadamada reer galbeedka ka ah wadayaal gaadiid waaweyn (truck Drivers), ama kuwa Taxi-iile yaal ka ah yurub & Amerika, Hala yaabin iyaguba shalay ayeey halkaan ka ahaayeen wada yaal gaadiid. Halla yaabin Carabta  maanta dantu kuu geeysay, iyagaba shalay ayaa dantu kuu keentay. Bal maskaxdaada shiil oo isweeydii waxa kaa qarsoon. Bal ila fiiri dhacdooyinkaan xaqiiqda ah ee aan tusaalayaal yar kuugu soo koobay: 1-Ma xasuusataa Mr. Qulaan oo ahaa Taxiile Hindiya,  Mr.Yoogo iyo Mr.Daalacey  oo ahaayeen laba Taxiile oo  yamaniyiin ahaa  oo Xuriyada kadib Taxiile yaal ka ahaa Xamar. Sidoo kale ma xasuusataa Xuriyadda kadib  Taxiila yaal Talyaani iyo Itobian ahaa  oo Xamar shaqa u soo doontay . Halka maanta annaguna  aan taxiile yaal ka nahay wadamada reer galbeedka. 2- Ma xasuusataa in wadayaasha Gaadiidka waaweyn

SHEEKOOYIN KU BADALI DOONA Q1aad

SHEEKADA 1AAD QOF WALBA WAXA UU LEEYAHAY QISO U GOONI AH:- Wiil 24 jir ah oo ka soo jeeda daaqadda tareenka ayaa ku qaylinayay  aabihiis waxaa uuna dhahay... "Aabbow, fiiri geedaha way iska daba kudayaan!" Dad badan ayaa dhoola cadeyey sidoo  kale lammaane fadhiya meel u dhow, waxay damoodaan mar walba niyad jab leh 24 jirka u dhaqmaya sida caruurtii oo kale, si lama filaan ah ayuu mar kale aabihiis kula qeeliyey... "Aabahay, fiiri daruuraha ayaa nala socda!" Lamaanihii oo is celin waayey ayaa  oo waxay ku dhaheen ninkii waayeelka aha... "Maxaad wiilkaaga u geen waysay  dhaqtar si xaaladiisa loo dajiyo?" Ninka waayeelka ah ayaa dhoola caddeeyey oo yiri: "Waan geeyey, waanan  hada kasocona cisbitaalka, wiilkaygu indhoole ayuu ku dhashey, indhahiisa ayuu maanta  helay marka waxyaabahaan dabiiciga ah oo anaga yaraanteen ilaa hadda aan aragno waxay nala noqdeen wax caadi ah laakin asiga waa saacadi ugu horeesay ee indhahiisa wax ku arko."

Iyadoo Dibadda la dhigay baan helay, haddana Hooyo bey ii taqaana

Image
QISO YAR OO CAJIIB AH. Jaamacad baan ka soo Dhameeyey Waddanka Suudaan. Anigoo Dalka ku cusub oo Labo bilood wax ku dhow joogo, isla markaana aan ahay Shaqo Raadis ah ayaa habeen habeenadda ka mid ah waxaa Gurigayga hortiisa lasoo dhigay ilma yar Saddexdii Habeenimo. Qaboow Zaa’id ah ayaa jiray, waxaana Huwanaa Buste aad uu weyn oo Dhaxanta aan kaga jiro, waxaana aad u dareemay Dhaxan badan. Ilmihii yaraa qeyladiisa ayaanu maqalnay ka dib Xagga Dibadda ayaan u soo Dhaqaaqay. Waan ku istaagi lahaa oo Afka hore ee Albaabka ayuu yaalay ilmaha yar oo markaas Dhashay oo Oohintii ka Dhamaatay. Waan yaabay, waayo waa markii igu horeysay ee aan la kulmo ilmo Dibad la dhigay oo waxeynu ka Baqnay dhamaan Xaafadii, oo dhinac aan uu Dhaqaaqno ayaan garan weynay. Aakhirkii ilmihii waanu soo Xaraynay, Gabar ayey noqotay. Waagu marku baryey, waxaan iskugu yeernay Deriskii si loo Ogaado Cid soo dhigtay iyo bal haddii jirto in Cid laga soo Xaday. Waxaanu waynay jawaab, dabadeedna ilmihii wax

QATAR WAYN OO KU SOO WAJAHAN DHALINYARADEENA SOOMAALIYEED

Image
QATAR WAYN OO KU SOO WAJAHAN DHALINYARADEENA SOOMAALIYEED GAAR AHAAN QAAR KA MID AH ARDAYDA DUGSIYADA SARE IYO JAAMACADAHA DALKA -------------------------------------------------------------- Ku: Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare Ku: Wasaaradda Caafimaadka Ku: Wasaaradda Ganacsiga Ku: Baarlamaanka Soomaaliya Ku: Dalladaha waxbarashada dalka Ku: Dhakhaatiirta Soomaaliyeed Ku: Culimada Soomaaliyeed Ku: Ururada Dhalinyarada & Ardayda Ku: Warbaahinta qaybeheeda kala duwan Ku: Dhamaan waalidiinta iyo Guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed #Qormadan inaan iftiimiyo waxaa igu kalifay qisadan: ---------------------------------------------------------------------- Waxay ahayd maalmo ka hor, waxan lacag ka sarifanayay dabakaayo (sandaqad yar) oo ku taala mid ka mid ah isgoysyada magaalada muqdisho, intuu lacagta ii tirinayay ayaa waxa isoo dhinac istaagay labo wiil oo dhalinyaro ah mid ka mid ah ayaa la hadlay wiilkii dabakaayada iibinayay, aniga codka si fiican

Tima weeyne- Ahmed Jubba

Image
Ragga oo timaha sii daaya waa dhaqan Soomaaliyeed - haddana waa calaamadda wadaniyiinta Soomaaliyeed. 2013 waxa ay aheed xiliga aan aniga timaha deestay runti waxa ay i aheed qibrad aan ku ogaaday sida ugu wanaagsan aad timaha u korin karto muddo fudud waxaana ka sameen doonta qormo goor dhaw insha'allah. Sideen ku ahay timaha badan? Bal aan arko fakirkiina. Go, cad baannu xirannaa Gammuun baannu qorannaa Gabooyaha la geliyaa Golxab baannu tummannaa Gaashaan baan yagleellaa Kabo feygamuuraan Gocandhada ka sidannaa Geed baa la waabaa Gogol baa la fidiyaa Guurti lagu casuumaa Gar kastoo adayg badan Waaan talo gorfeeya

Somali invisible war- Dagaalka qarsoon

Image
(Invisible war ) dhalaankeenna yar yari waxay ku ababaan sida qorika loo Rido, loo qaato , wax loogu dilo, bulshaduna ay dhaqan iyo caado ka dhigteen haysashada hubka sharci darada ah, iyo ku gabood falka isticmaalka hubka. Ciyaalka ababkoodii iyo koritaankooda koriinimo la kowsaday dagaalo , dhac, dil, iyo qori layska wato, haddana aan loo miidaan deyeyn maxaan ka filan karnaa in maskaxdooda laga helo!!!!!!!!!!! Waa iska cadday jawaabta iyo warcelinta su,aashaydu , waa inuu maro habraaca iyo sida wax u jiraan kuna sii tababarto qaabka hubka loo Rido, wax loo dhaco, hubkana loo haysto. Natiijo fiican iyo rajo fiican kama filayno weynaantiisa!!! Ilahay ban ka baryeynaa inuu ubadka inoo hagaajiyo, waddankana dhibaatada inoo ga saaro isagaa awood leh. Isbedelka umaded waa korinta dhallaan ku carbisan wax u qabashada dadkiisa,dalkiisa iyo diintiisa. W/Q: Ahmed Jubba