"Waryaa Daljir see wax ku waddaa? Ma suuqaad naga saaraysaa?" Warbixin muhiim ah


HALYEY - (Sheeko Gaaban)

Markuu weriyihii la soo daahay daabicidda qaraxii dhacay ayaa waxaa soo wacay mulkiilaha wargeyskii uu u shaqeynayay oo xanaaqsan.

"Waryaa Daljir see wax ku waddaa? Ma suuqaad naga saaraysaa?" ayuu lahaa mulkiilihii.

Weriye Daljir: "Mudane maxaa dhacay?"

Mulkiilihii: "Ma war duugoobay ayaad rabtaa inaad soo dhejisid? Websaatyada kale ayaa nooga hormaray warkii qaraxa."

Weriye Daljir: "Mudane marka hore waxaan rabay inaan soo hubsado magaca askartii ku shahiidday qaraxa. Ka dibna aan qoro warka."

Mulkiilihii oo qeylinayo: "Magac? Ma magaca askarta? Magacooda maxaa ku daba dhigay? Dheh 'Qaraxa waxaa ku dhintay askar.' Hadda soo dheji warka. Yaan mar dambe na looga hormarin wararka degdegga ah."

Weriye Daljir: "Mudane laakiin waa hagrasho in aan soo qoro askar magaclaawayaal ah. Askarigu waa difaacii sharciga. Waa tiirkii nabadda. Waa halyeygii shacabka. Haddii cadawgu ay qoriga ku dileen, innaga weriyaasha ahna yaynaan qalinka ku hagran."

Mulkiilihii: "Waryaa waxaas laguuma dirsan. Shaqaale ayaad tahay. Soo dheji warka. Lana soo dhaqso."

QAM. Taleefankii ayuu demiyay mulkiilihii wargeyska.

Weriye Daljir warkii ma uusan soo dhejin ee wuxuu wareysi ugu tegay taliyihii heystay saldhigga ciidanka booliiska.

Weriye Daljir: "Mudane waxaan ahay weriye. Waxaad ii sheegtaa magaca askartii ku dhimmatay qaraxii saakay?"

Taliyihii oo si kale u eegayo weriyihii: "Ma ku cusub tahay weriyinnimada?"

Weriye Daljir: "Maxaad sidaa ku tiri, taliye?"

Taliyihii: "Toban sano ayaan taliye ahaa. Weligey ma arkin weriye i weyddiiyay magacyada askartii iga dhimmatay."

Weriye Daljir: "Anigu saddex bilood ayaan shaqadaan hayaa. Waana qaraxii iigu horreeyay ee aan wax ka qoro. Mana doonayo in aan qoro ereyada nuxur-beelka ah sida 'Dhowr askar ayaa ku dhimatay' iyo ‘Qarax dilay askar’. Waajibkaygu waa inaan halyeyda qaranka qalinka ku xuso. Waa in la bartaa shuhaddadaas. Taliye ii sheeg magacyadooda."

Taliyihii illin baa ku soo istaagtay. Isagoo u hadlayo sidii qof ceegi lagu dhegay ayuu sheegay magacyadii askartii ku geeriyootay qaraxii. Intii uu taliyihii yeerinayay magacyada ayaa waxaa gariiray taleefankii weriye Daljir. Farriin ayaa u soo dhacday. Wuu eegay. "WAAN KU FASAXAY. SHAQAALE IIMA TIHID. AWALBA ANIGAA KUGU QALDAMAY ADIGOO AH SAAQID KA SEEGSEEGAY DUGSIGA SARE OO KA HARAY FACIISA." Waa farriin ka timid mulkiilihii oo ka careysan in weriye Daljir uu la soo daahay soo daabicidda warkii qaraxa.

Weriye Daljir ereyadaas waran lagu gilgilayna way uga darnaayeen. Neeftaa ku dhegtay. Isagoo adkeysanayo ayuu iska doondoonay jawaab aan xanaf laheyn. Farriin kooban ayuu qoray: "Mudane ku mahadsanid fursaddii aad i siisay intii aan kuu shaqeynayay."

Maalmo ka dib wuxuu weriye Daljir furtay Facebook Page oo uu ugu magac daray "Halyeydii Nabad-sugidda Qaranka". Wuxuu ku soo ururiyay sawirrada iyo taariikhda askartii ku geeriyootay qaraxyo iyo weerar lala beegsaday. Wuxuu sidoo kale hoteellada ka raadsaday shaqo xammaali ah si uu u urursado lacagtii uu isaga bixin lahaa waxbarashadiisa ka kala go'day ee dugsiga sare. Wuxuu dhiganayay iskool maaddooyinka oo dhan ay ku baxaan af-Ingiriiska. Dhawr bilood ka hor ayaase iskoolka laga soo ceyriyay maadaama uu bixin waayay lacagtii teeramka.

Ma uusan filaneyn weriye Daljir waxaase boggii Facebook uu ku soo daabacayay magacyada iyo taariikhda askartii la laayay ku soo xirmay hay'ado caalami ahaa oo qaabbilsanaa dabaggalka xaquuqul insaanka iyo hay'ado kale oo ururiyo xogaha ciidamada ku naf-waayo iyagoo gudanayo waajibaadkooda shaqo. Waxayna hay'adahaas weriye Daljir ka codsadeen inuu u fasaxo inay isticmaalaan xogihii uu soo dhejiyay si ay ugu soo daabacaan wargeyskooda billaha ah ee Yurub ka soo baxo. Wuu u fasaxay. Muddo gaaban ka dibna shaqaale ahaan ayayba u qorteen weriye Daljir. Kun doollarna ku qaateen bishii. Wixii ugu horreeyay ee uu weriye Daljir sameeyay waxay aheyd inuu ku noqday iskoolkiisii, lacagtii sannadka oo dhanna hal mar bixiyay.

Galab casar ah ayuu weriye Daljir yimid guriga askari ku naf-waayay shaqo nabad-sugid aheyd. Magaciisa wuxuu ahaa Alifle Khaalid Abshir, 25 jir. Waxaa Aliflahaas ka kala go’day rasaastii uu ku dagaallamayay. Askartii la socotayna waa la laayay, oo baas iyo bam gacmeed lagu gaaday. Saa wuxuu Alifle Khaalid arkay gaari ay saarnaayeen walxaha qarxo oo u sii baxsanayo garoon ay shacab badan ku daawanayeen tartanka ciyaarta kubadda cagta. Intuu ashahaatay ayuu gaarigii ka daba orday, oo weliba inta gudihii gaariga orod ku galay ayuu isteerinkii kula dhegay darawalkii. Wuxuuna qasab ku leexiyay isteerinkii gaariga, oo u jiheeyay fagaare cidlo ahaa oo ay ka baxayeen tiintiin iyo boocbooc. Halkaas ayuuna darawalkii isku qarxiyay iyadoo uu weli Alifle Khaalid ku dheggan yahay isteerinkii.

Wuxuu weriye Daljir labo boqol oo doollar siiyay xaaskii iyo agoontii uu ka dhintay Alifle Khaalid. Saa isagoo wareysi ka duubayo xaaskii Aliflaha ayaa waxaa gariiray taleefankiisii. Wuu eegay. Waa farriin ka timid mulkiilihii shaqada ka ceyrin jiray. Wuxuu mulkiiluhu soo akhriyay warbixin caalami aheyd oo ay hay'adihii soo daabaceen. Waxaa warbixinta ku jiray sawirka weriye Daljir iyo faallo cinwaankeedu ahaa: "HALYEYGA DA’DA YAR EE DIIDAY INAY DHINTAAN NABAD-SUGAYAASHII SOOMAALIYA EE LA HILMAAMAY.” Waxayna hay'adihii weriye Daljir u doorteen abaal-marin sannadle ahayd iyagoo isla markaana ku casumay xaflad ka dhaceysay magaalada Jineefa ee dalka Iswiisirlaan.

Wuxuu weriye Daljir isha la raacay farriintii ka timid mulkiilihii: "Waxaan kaa dhigayaa agaasimaha wargeyskayga, diyaar ma tahay?" Weriye Daljir inta muusooday ayuu u qoray jawaab: "Waxaan ahay saaqid ka seegseegay dugsiga sare ee maxaan kugu soo kordhin karaa, mudane?"

~Dhammaad~

Qalinkii: Abdullahi Janno


Comments

Popular posts from this blog

QATAR WAYN OO KU SOO WAJAHAN DHALINYARADEENA SOOMAALIYEED

Wax badan ka ogaaw Beelweeynta mudulood

Abwaan Qaanso, Tix Gabay ah