wax ka ogoow Ciyaartooyda ugu aqoonta badan e taariikhda Premier League


Marka aad aragto ciyaartoy sida Mario Balotelli, Joey Barton iyo Serge Aurie oo sameynaya waxyaabo nacas nimo ah  garoonka dhexdiisa iyo banaankaba, waxaad u maleyneysaa in ciyaartoydas kubadda cagta ay dhamaantood yihiin kuwo aan qaan-gaarin oo aan lahayn maskax. Laakiin tani ma aha sidaas. waxaa jira ciyaartoy si fiican u dhaqma oo heesta shahaadooyin calaami ah heerarkiisa kala duwan ay ku diyaariyeen maadooyin kala duwan qaarkood waxa ay ka heestaan heerka shahaado (A+) o ingiriiska adagtahay in lahelo qof heesta.

waxaan idin soo gudbin doona 10 ciyaartoy ee ugu aqoonta badan taariikhda Premier League.

 10. Iain Dowie - Cilmiga injineernimada ( Degree iyo Master)



Dad badan ma yaqanaan, laakiin  waxa uu uso ciyaaray kooxaha Southampton, Crystal Palace iyo West Ham United. waxa u haystaa​ shahaadada jaamacada Hertfordshire. Wuxuu mar kaso shaqeeyey Aerospace-ka england wuxuuna haystaa shahaadada Masters waxa uu ku diyaariyey 'Engineering'. Waxaa la sheegay in 2016-ki in Dowie uu ka tagay kubadda cagta oo uu qabtay shaqo ah Maamule ganacsi ee shirkadda la yiraahdo "Go To Surveys".

9. Steve Harper - Cilmiga Bulshada- (Degree)


Steve Harper, oo 157 kulan oo Premier League ah ayuy u ciyaaray Newcatle muddo 20 sano ah intii u dhaxeysay 1993 iyo 2013, waa garsoore dhameestiran ee FA-ga. Halyeygii hore ee Hull City wuxuu sidoo kale haystaa shahaadada sayniska ee jaamicadda John Moores.


8. Clarke Carlisle –  Cilmiga xisaabta (Degree)




Daafacii hore ee Watford iyo Burnley ayaa la siiyay abaalmarinta 'The Brainest Footballer' Waxa loo arkaa mid ka mid ah raga ugu aqoonta badan ee kubadda cagta xirfadlayaasha ah, wuxuu heerkiisa Dugsiga Sare kaga baxay Church of England High School halkaas oo uu shahadadiisa kaga qaatay dhibco garaya10 darajo oo GCSE(Halbeega ingriiska e cilmiga) oo ah dhibco aad u sareeya  isla markaana wuxuu degree giisa ku qataay cilmiga xisaabta iyo siyaasadda Heera (A+).

7. Nedum Onuoha – ICT(Degree)
Daafacii hore ee Manchester City Nedum Onuoha wuxuu college-ka kaheesta heer gaaeaya 10 GCSE, oo ay ku jiraan sideed A iyo labo B iyo Heerka A wuxuu heesta seddex A+ kaheestaa, Xisaabta, Cilmiga ganacsiga iyo ICT Waxa uu u awoodu karaa inuu ku buiro  jaamacad kasta oo ku taala England marka lafiiriyo heerkiisa aqooneed.

6.  David Wetherall –  Chemistry ( Degree)
kubad bur buriyihii qadka dhaxe hore ee kooxaha Leeds iyo Bradford waxa u heesta  shahaadada koowaad ee jaamacadda Sheffield 1992-kii, taas oo ka dhigeesa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Premier League ah oo gaaro heerkaas. Wetherall wuxuu noqday kabtanka kooxda. ciyaartii ugu dambeesay ee waayihiisa kubadda cagta  waxa uu ciyaaray 3 May 2008 isagoo ka horyimid Wycombe Wanderers.

5. Duncan Watmore –dhaqaalaha ( Degree)
 Waayihii wacnaa e Watmire 2015,  xiddiga qadka dhexe ee Sunderland Duncan Watmore ayaa ka qalin jabiyay Jaamacadda Newcastle waxa uu ka qaatay shahaadada koowaad ee cilmiga dhaqaalaha, isagoo noqonaya ciyaaryahankii labaad ee Premier Lea ee heesta shahaada loo yaqaano shahaadada sharafta wax barashada.
..........................................................................................
Lasoco inta harsan, si aad ula socoto marka aan soo galsho dheh " Subscribe".

Fakirkaaga wa muhiim.

W/Q: Ahmed Hassan Wehlie-Jubba

Comments

Popular posts from this blog

QATAR WAYN OO KU SOO WAJAHAN DHALINYARADEENA SOOMAALIYEED

Wax badan ka ogaaw Beelweeynta mudulood

Abwaan Qaanso, Tix Gabay ah