Posts

Showing posts from November, 2017

Tiknoolijiyada noqon karta mid wax ku ool ah oo ku haboon Soomaaliya. -AXMAD JUBBA

Image
A niga waxaan xiiserya arimaha tiknoolajiyada waana maadada aan Jamacada ka darsayo haatan. waxaan aaminsanahay in Tiknoolijiyada wax weeyn kabadali karto noolaha dunida kunool qaabka ay u noolyihiin wax badana u sahli karta. Waxaan qormadaan uga hadli doona Tiknoolajiyad ku haboon wadankeena somaliya taas o kadhigi karta somaliya cusub o aan ula jeedo in si ween looga faaidesan doono wadankana dhaqaalo ahaan is badali doono wa haddi si wanaagsan loo maamulo.  Ma aqaan wax badan oo ku saabsan cilmiga  sayniska dhulka iyo dabeecadahiisa laakin waxaan xoogga saari doona dhanka tiknoolajiyada sida ay u suurta galin karto degaan iyo dhul cagaaran o bad qaba. Masar waa wadan iska ooman, waxaa ku hareereesan dhul saxaro ah sida saxaraha Galbeed,  Bari iyo Nubiyaan  . Waddankaan waxa so maray abaaro, daadad iyo macluul aad u daran laakiin masar waxay awood u heshay maareeynta biyaha Niil ayado adeegsaneysa biyo xireeno waween sida biya xireenka aswaan. 20ka sano e ugu dambeyeysay ma

Erayadiii ugu macanaa oo Abwaan dhihi Laha

Image
Alloow heey nakala dilin Anoon doonta caanshaqa Kugu barin dabaalooo Maankaada daginooo Deb ifaaya kuu shidin Duniduu dalxiis tagin Kuu daawan sida doog Ku dul dhigin dareen culus Oo daaawadaadaaa Dumar taan ka doortaay Waxa curiyey Abwaan Qaanso            

Muasharrax Cirro oo sheegay in aysan aqbalidoonin cadaalad darro dhacda

Image
Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro ayaa sheegay in Guddiga doorashooyinka Somaliland ay k jawaabiyeen cabashooyin sixitaan ay u gudiyeen, isagoo ugu baaqay wakiilada Xisbiga ee la shaqeynayay Guddiga inay joojiyaan wada shaqeynta. Cirro ayaa sheegay in labo jeer ay Guddiga u gudbiyaan cabashooyin qoraal oo ah sixitaan, si loo hubiyo sanaadiiqda, isagoo xusay inay dareemeen in mugdi ka jiro degmooyinka Gabiley iyo Hargeysa. Waxaa uu sheegay in illaa iyo hadda Guddiga aanu wax jawaab ah ku soo celin, isla markaana ay wada shaqeynta Guddiga joojiyaan illaa ay ka soo jawaabayaan, waxna ka qabanayaan cabashooyinka. “Waxaa shacabka u sheegayaa in aan aqbaleyno doorasho xor oo xalaal ah, hase ahaatee aanan aqbali doono cod xaaraan ah inay cidina ku badiso”ayuu yiri Musharax Cirro. Guddiga doorashada Somaliland ayaa laga sugayaa inay ku dhawaaqaan natiijada kama dambeysta ah, waxaana jira walwal badan oo laga qabo natiijada soo baxda inay dhaliso rabshado. Dhin

Dowlada soomaliya o digniin adag u dirtay dad ay sheegtay in ay faafiyaan warar been abuur ah

Image
Maxamed abuukar islaw oo ah Wasiirka amniga xukuumadda somaliya aya u digniin xoogan u diran dad kashaqeeya faafinta wararka been abuurka ah Wasiirka ayaa si xoogan u sheegay in aysan marnaba aqbali doonin been laga faadiyo xukumada iyo hay'addaha amaanka Sido kale Wasiirka warfaafinta Yariisow  aya sheegay in wasiirka aminiga kolaha hortooda kasheegay in si adag loola xisaabtami doono shaqsiyaadkas o caadeestay in ay aminiga qal qal galiyaan Shirka maalinlaha ahaa e qabsoomay shalayto qamiis ah aya waxa lagu so bandhigay shaqsiyaad katirsan alshabaab o laga so qab qabtay degmada Afgooye e G.Shabeelada hooss Fakirkaaga kadhiibo Ahmed Jubba.

Madaxweyne K/X hirshabelle xigeenka Cali Guudlaawe o ka warbixiyey booqasho uu ku tegey Balcad, Warsheekh iyo Muqdisho +SAWIRO

Image
Cali guudlawe madaxweena kuxigeenka maamulka hirshabeele aya maanta kuso laabtay jowhar caasimada maamulka asigoo ka warbixiyey booqoshooyin u kubixiyey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Sh/dhexe iyo gobolka Banaadir. waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay mas’uuliyin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle,Maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan degmada Jowhar. waxa u saxafda u sheegay in uu lakulmay maamulka degmoyinkaas kana wada hadleen sidi loo dardar galin laha hoowlaha shacabka loohayo “Intii aan ku jirey safarka waxaan ka qeybgalay dhagax dhig loo sameeyay isbitaalka degmada Balcad sidoo kale degmada Warsheekh waxaa ay dowlad goboleedka Hirshabelle dhagax dhigtay dhismaha wadada isku xirta degmada Warsheekh iyo magaalada Muqdisho.”ayuu yiri Cali Guudlawe Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle. Cali Guudlaawe ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay barwaaqada ka jirta gobolka iyadoo roobab wanaagsan ay ka da’een guud ahaan Hirshabelle waxana uu ugu baaqa

SIDEE QOF LOOLA TALIYA?

Image
'' Amaantu qofki hogtaa, dhaliishu hankee dishaa, talana ruuxee hagaajisa", Q1aad Qormadaan waxaan uga hadlidoona mowduuc aan u bixiyey wa maxay taladu, sideesa qof loola taliyaa, qof bani aadamka ahi waxa u lanoolyahay bulsho, hanoqoto dad aad asxaab tihiin ama ha noqdeen dad aad ladhalato o qaraabo a tihiin ama dad ay shaqo idinka dhaxeeso ama aad wax labarato, qofka dad baa ku hareereesan, hadaad jeceshahay iyo hadaad neceb tahayba saameen bay kugu leeyihiin dadkaas si togan iyo si tabanba. Hadaba, waxa layiraahda qofka wa ceceliska shanta qof u lasocdo, tusaale ahaan shanta qof aad lasocoto haday shan tuug yihiin adiguna aad dhowrsantahay, si kastaba aad u dhowrsantahay ugu yaraan hadaad muddo lasocoto haddi aad xitaa tuug noqon waydo waxa lagayaaba in aad astaamihi tuugta aad yeelato ilaa marki dambo ayago kale noqoneeso, wa caksi hadaad lasocoto qof wanaagsan waxa lagayaaba in u kusaameyo, Si hadaba dadkaa a lasocoto ay noqdaan dad san, aad wax lawadaagi k