Madaxweyne K/X hirshabelle xigeenka Cali Guudlaawe o ka warbixiyey booqasho uu ku tegey Balcad, Warsheekh iyo Muqdisho +SAWIRO

Cali guudlawe madaxweena kuxigeenka maamulka hirshabeele aya maanta kuso laabtay jowhar caasimada maamulka asigoo ka warbixiyey booqoshooyin u kubixiyey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Sh/dhexe iyo gobolka Banaadir.
waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay mas’uuliyin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle,Maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan degmada Jowhar.
waxa u saxafda u sheegay in uu lakulmay maamulka degmoyinkaas kana wada hadleen sidi loo dardar galin laha hoowlaha shacabka loohayo
“Intii aan ku jirey safarka waxaan ka qeybgalay dhagax dhig loo sameeyay isbitaalka degmada Balcad sidoo kale degmada Warsheekh waxaa ay dowlad goboleedka Hirshabelle dhagax dhigtay dhismaha wadada isku xirta degmada Warsheekh iyo magaalada Muqdisho.”ayuu yiri Cali Guudlawe Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.
Cali Guudlaawe ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay barwaaqada ka jirta gobolka iyadoo roobab wanaagsan ay ka da’een guud ahaan Hirshabelle waxana uu ugu baaqay beeralayda inay ka faa’ideystaan raxmada Eebe ayna kordhiyaan wax soo saarkooda dhinaca beeraha.
Fakirkaaga noo dhaaf
Ahmed Jubba



Comments

Popular posts from this blog

QATAR WAYN OO KU SOO WAJAHAN DHALINYARADEENA SOOMAALIYEED

Wax badan ka ogaaw Beelweeynta mudulood

Abwaan Qaanso, Tix Gabay ah