Muasharrax Cirro oo sheegay in aysan aqbalidoonin cadaalad darro dhacda

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro ayaa sheegay in Guddiga doorashooyinka Somaliland ay k jawaabiyeen cabashooyin sixitaan ay u gudiyeen, isagoo ugu baaqay wakiilada Xisbiga ee la shaqeynayay Guddiga inay joojiyaan wada shaqeynta.
Cirro ayaa sheegay in labo jeer ay Guddiga u gudbiyaan cabashooyin qoraal oo ah sixitaan, si loo hubiyo sanaadiiqda, isagoo xusay inay dareemeen in mugdi ka jiro degmooyinka Gabiley iyo Hargeysa.
Waxaa uu sheegay in illaa iyo hadda Guddiga aanu wax jawaab ah ku soo celin, isla markaana ay wada shaqeynta Guddiga joojiyaan illaa ay ka soo jawaabayaan, waxna ka qabanayaan cabashooyinka.
“Waxaa shacabka u sheegayaa in aan aqbaleyno doorasho xor oo xalaal ah, hase ahaatee aanan aqbali doono cod xaaraan ah inay cidina ku badiso”ayuu yiri Musharax Cirro.
Guddiga doorashada Somaliland ayaa laga sugayaa inay ku dhawaaqaan natiijada kama dambeysta ah, waxaana jira walwal badan oo laga qabo natiijada soo baxda inay dhaliso rabshado.
Dhinaca kale rabshado ayaa laga soo sheegaa Burco iyo Hargeysa, waxaana caawa qeybo ka mid ah Hargeysa laga maqlayay rasaas.
Fakirkaaga hoos ku qor
Ahmed Jubba

Comments

Popular posts from this blog

QATAR WAYN OO KU SOO WAJAHAN DHALINYARADEENA SOOMAALIYEED

Wax badan ka ogaaw Beelweeynta mudulood

Abwaan Qaanso, Tix Gabay ah