Somali invisible war- Dagaalka qarsoon

(Invisible war ) dhalaankeenna yar yari waxay ku ababaan sida qorika loo Rido, loo qaato , wax loogu dilo, bulshaduna ay dhaqan iyo caado ka dhigteen haysashada hubka sharci darada ah, iyo ku gabood falka isticmaalka hubka.

Ciyaalka ababkoodii iyo koritaankooda koriinimo la kowsaday dagaalo , dhac, dil, iyo qori layska wato, haddana aan loo miidaan deyeyn maxaan ka filan karnaa in maskaxdooda laga helo!!!!!!!!!!!

Waa iska cadday jawaabta iyo warcelinta su,aashaydu , waa inuu maro habraaca iyo sida wax u jiraan kuna sii tababarto qaabka hubka loo Rido, wax loo dhaco, hubkana loo haysto.

Natiijo fiican iyo rajo fiican kama filayno weynaantiisa!!!

Ilahay ban ka baryeynaa inuu ubadka inoo hagaajiyo, waddankana dhibaatada inoo ga saaro isagaa awood leh.

Isbedelka umaded waa korinta dhallaan ku carbisan wax u qabashada dadkiisa,dalkiisa iyo diintiisa.

W/Q: Ahmed Jubba

Comments

Popular posts from this blog

QATAR WAYN OO KU SOO WAJAHAN DHALINYARADEENA SOOMAALIYEED

Wax badan ka ogaaw Beelweeynta mudulood

Abwaan Qaanso, Tix Gabay ah