Iyadoo Dibadda la dhigay baan helay, haddana Hooyo bey ii taqaana

QISO YAR OO CAJIIB AH.
Jaamacad baan ka soo Dhameeyey Waddanka Suudaan. Anigoo Dalka ku cusub oo Labo bilood wax ku dhow joogo, isla markaana aan ahay Shaqo Raadis ah ayaa habeen habeenadda ka mid ah waxaa Gurigayga hortiisa lasoo dhigay ilma yar Saddexdii Habeenimo.

Qaboow Zaa’id ah ayaa jiray, waxaana Huwanaa Buste aad uu weyn oo Dhaxanta aan kaga jiro, waxaana aad u dareemay Dhaxan badan. Ilmihii yaraa qeyladiisa ayaanu maqalnay ka dib Xagga Dibadda ayaan u soo Dhaqaaqay. Waan ku istaagi lahaa oo Afka hore ee Albaabka ayuu yaalay ilmaha yar oo markaas Dhashay oo Oohintii ka Dhamaatay.

Waan yaabay, waayo waa markii igu horeysay ee aan la kulmo ilmo Dibad la dhigay oo waxeynu ka Baqnay dhamaan Xaafadii, oo dhinac aan uu Dhaqaaqno ayaan garan weynay.

Aakhirkii ilmihii waanu soo Xaraynay, Gabar ayey noqotay. Waagu marku baryey, waxaan iskugu yeernay Deriskii si loo Ogaado Cid soo dhigtay iyo bal haddii jirto in Cid laga soo Xaday.

Waxaanu waynay jawaab, dabadeedna ilmihii waxeynu geynay Saldhigga si loola wareego. Waxaan Saldhigii la kulmay Saddex  gabdhood oo iyaguna Caruur sida.

Waxaan jecleystay inaan ilmaha yar iska korsado oo Nolosheeda Damaanad qaado. Waxaa ila socday Abtigey iyo Hooyadey oo jeclaa inaan ilmaha Saldhigga kaga tagno, laakin waxaan u sheegay inaan iska Korsano. Aad bey iiga  hor yimaadeen oo wey diideen iney Mowqiifkeyga qaatan.

Abtigey  Xanaaqa uu Xanaaqay, Sanka dhiig baa ka yimid oo Dhiig kar ayuu qabay, oo wuxuu aaminsanaa haddii aan qaato, in Bulshada ay u qaadan doonaan  inaan anigu ilma Xaaran (wacal) ah dhalay.

Waxaan ku qanciyey Hooyo oo aan u sheegay haddii aan ka tagno iney mid ka sii Xun la kulmeyso sidii ayeyna Hooyo igu raacday. Hadii aad ilmaha Masuuliyadiisa qaadeyso, waa inuu jiraa Nin Saxiixa iyo Markhaatiyo, marka waxay noqotay lagama marmaan inaan Abti iska Maslaxo.

Aakhirkiina Abti waan ku iri:-Abti  ma doonaysa inuu Saxiixaaga Naar kaa Badbaadiyo. Haa ayuu igu yiri, sidii ayuuna ku Saxiixay, wuuna ila qaatay Fikirkeygii.  Ka dib Gurigii ayaan keenay, Dhakhatar baan geeyey oo Caafimaadkeeda ayaan soo Hubiyey maadaama soo gaartay Qaboowgii badnaa. ka dib Maxkamadda ayaan geeyey, waan soo Sharciyeeyay.

Waxaan u bixiyey Hadiyah maadaama aan u arko iney ii tahay Hadiyad Alle. Hadda waa Labo sanno jir, Hooyadeed bey ii taqaanaa. Maalintii Qof kastaa Tuur ayuu ilahaa, laakin Maanta waxey tahay Qofka ugu Farxadda badan ee Guriga loogu Jecel yahay, Qof kastana uu ka helo markuu so galo.

Fadlan sii faafi ( Share ) dheh. Mahadsanidiin......

Comments

Popular posts from this blog

QATAR WAYN OO KU SOO WAJAHAN DHALINYARADEENA SOOMAALIYEED

Wax badan ka ogaaw Beelweeynta mudulood

Abwaan Qaanso, Tix Gabay ah