QATAR WAYN OO KU SOO WAJAHAN DHALINYARADEENA SOOMAALIYEED


QATAR WAYN OO KU SOO WAJAHAN DHALINYARADEENA SOOMAALIYEED GAAR AHAAN QAAR KA MID AH ARDAYDA DUGSIYADA SARE IYO JAAMACADAHA DALKA
--------------------------------------------------------------
Ku: Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare
Ku: Wasaaradda Caafimaadka
Ku: Wasaaradda Ganacsiga
Ku: Baarlamaanka Soomaaliya
Ku: Dalladaha waxbarashada dalka
Ku: Dhakhaatiirta Soomaaliyeed
Ku: Culimada Soomaaliyeed
Ku: Ururada Dhalinyarada & Ardayda
Ku: Warbaahinta qaybeheeda kala duwan
Ku: Dhamaan waalidiinta iyo Guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed

#Qormadan inaan iftiimiyo waxaa igu kalifay qisadan:
----------------------------------------------------------------------
Waxay ahayd maalmo ka hor, waxan lacag ka sarifanayay dabakaayo (sandaqad yar) oo ku taala mid ka mid ah isgoysyada magaalada muqdisho, intuu lacagta ii tirinayay ayaa waxa isoo dhinac istaagay labo wiil oo dhalinyaro ah mid ka mid ah ayaa la hadlay wiilkii dabakaayada iibinayay, aniga codka si fiican uma maqlin, lkn bacyar oo cagaaran (Sawir ka ka muuqata) oo miiska saarnayd inta furay waydiiyay meeqa xabo ayaan ku siiya? Wiilashii mid ka mid ah ayaa yiri 2 xabo na sii lacag yar oo Shilling Soomaali ah na wuu u taagay, kii ganacsadaha ahaa intay soo bixiyay 2 xabo ayuu lacagtiina ka qaaday, bahashiina ku wareejiyay.
Anigoo yaaban oo fahmina la’ waxa lakala iibsaday ayaan waydiiyay ganacsadihii walal maxay ahayd waxa aad wiilasha siisay?

Wuxuu iigu jawaabay waa #TAABUU, maqalkeeda horay waan u maqlay inay daroogo ay dhalinyaradu isticmaalaan tahay, waligayse maalintaas ka hor sida ay u egtahay iyo qof isticmaalaya toona ma arag, anigoo yaaban ayaan ku iri lkn wiilashan dad balwad leh uma eka, isagoo dhoola cadaynaya ayuu igu dhahay dadka iga iibsada waxa ugu badan ardayda gaar ahaan gabdhaha yar yare e iskoolayda iyo jaamacadaha dhigta, afka ayaan gacanta saaray anigoo rumaysan la’ waxan ku dhahay waad igu kaftamaysaa, markaas ayuu dhaar qaraf ka siiyay, oo yiri dadka isticmaala arday ayay u badanyihiin, Waxan ka codsaday inuu bacda ay ku jirto isiin karo waana uu isiiyay markaas ayan sawirrdan ka qaaday waxayna ahayd markii oogu haraysay ee aan arko. Anigoo yaaban ayaan isaga soo tagay aadna aan u aaminin waxa uu sheegayo.

Dhawr maalmood ka dib ayaan waraysatay maamulayaal iyo macalimiin kala duwan oo qaarkood iskoolo wax ka dhigaan qaarna jaamacado, waxay ii sheegeen in ay sax tahay in dadka isticmaala ay ardaydu qayb wayn ka yihiin, walaaca ay ka qabaan iyo inay xal u la’yihiina way iigu dareen.

Waxan waydiiyay sababta ardaydu ay u isticmaalayaan gaar ahaan gabdhaha, mid ka mid ah maamulayaasha ayaa iisheegay in Taabuuda oo ah tubaako khatar ah oo la carfiyay, ay billawgeedii hore ku soo bilaabatay dhalinyarada banooniga dheesha iyagoo loogu sheekeeyay inay firfircooni dheeraad ah ka heli doonaan marka ay ciyaarayaan, saasna ay ugu dhex faaftay dhailnyarada kubadda xiisaysa.
Intaa ka dibna ardayda loosoo dusiyay iyadoo loogu sheekeeyay inay Maadooyinka Science ka ah aad ugu fiicantahay oo ay maskaxda furfurto, taasoo keentay inay arday badan isticmaalkeeda si sahlan ku billaabaan ka dib ay qabatimaan.

Mid ka mid ah maamulayaasha waxa uu iisheegay in maalin kasta ardayda ay ka wacyigaliyaan lkn marka iskuulka laga boxo fasal kasta laga dhex helo tiro fara badan oo lagu isticmaalay fasalka dhexdiisa walina ay maaro u la’yihiin.

Waxay ii sheegeen maamulayaasha iyo macallimiinta aan waraystay inay Taabuuda isticmaalkeeda sii siyaadinayaan #Labo2 arrimood oo kala ah #kow iyadoo aad raqiis u ah, oo waxay ii sheegeen markii hore in la gadi jiray halkii xabo $1 ilaa $1.5 lkn hadda 3kun oo shilling Soomaali ah la gado, #midda #labaadna ay tahay in si aan qarsoodi lahayn loogu iibiyo goobaha ganacsi ee magaalada gaar ahaan meelaha u dhaw iskuulada, jaamacadaha iyo goobaha kale ee waxbarashada, haddii aad sawirka bacda ay ku jirto si fiican u eegto wadooyinka aad maraysana aad u fiirsato waxad ku arki kartaa meelo isku dhadhaw bacda sawirkan ka muuqata oo taala taasoo ku tusinaysa sida uu isticmaalkeeda u sii faafayo.

Run ahaantii arrintas ayaa walaac wayn I galisay waayo dhalinyarada Soomaaliyeed oo tirada waxbarashada fursadda u heshaa ay aad u yarayd hadana hadiii intaas akhlaaqdoodii iyo caafimaadkoodiiba halis wayn ay gasho umaddan rajo danbe ma yeelanayso, sidaas ayaana igu kaliftay inan qormadan idin kula wadaago baraha bulshada.

#Khataraha caafimaad ee ay leedahay Tubaakada TAABUUGA:
-----------------------------------------------------------------------------
Dhakhaatiir dhawr ah ayaan qaar koodna toos u waraystay qaarkoodna daawaday dhagaystayna, iyagoo ka warramaya khataraha caafimaad ee ay leedahay Tubaakada TAABUUGA, waxaana ugu wawayn waxyaabaha ay ii sheegeen:
1. Cancer ka afka iyo dhuunta ku dhaca iyo waliba qaybo
     kale oo jirka ka mid ah
2. Cudurrada ku dhaca wadnaha iyo xididada,
3. Dhiig karka waliba noocyadiisa halista ah.
4. Xanuunada neerfaha la xiriira
5. Iyo inuu qofku u nuglaado dhamaan xanuunada kale ee soo weerari kara.

#Khataraha Bulsho ee ay leedahay TAABUUDA
----------------------------------------------------------------
Hadda waxa xaafadaha qaar iyo iskuuladaba ku soo badanaya dhalinyaro farabadan oo raxan raxan u socda oo fawdo, dhagax tuur, dagaal joogto ah iyo falal kaleba kula dhaqaaqa dadka wadooyinka isticmaalaya qaar kood tooriyo ayay wataan oo dhawacyo ugu gaystaan dadka qaar, wa khatar wayn oo bulshadeenu ay wajahayso.

Caasi waalidiinimo, madax adayg iyo dagaal joogto ah oo marka uu ilmuhu barto isticmaalka daroogada, waalid ka iyo isagu waa is daayeen afxumada dagaal ka iyo hab la dhaqanka waalidkiisba waa isbadalayaa.

Gabdhaha isticmaala waxaa fudud inay wajahaan khatar dhanka sharafteeda oo dhaawacanto ah maadama ay maandoriye isticmaalayso waxay halis ugu jirtaa in looga faa’iidaysto arintaas, gabadh halawdayna waa hooyo halwday oo waxa halkaas dhaawac wayn uu ka soo gaarayaa reeraha aan mustaqbalka sugayno.

#Talooyin muhiim ah si looga hortago khatartan:
---------------------------------------------------------------
Aniga aragtidayda waxay ila tahay khatar ka wayn in dhalinyareedana, iyo mustaqbalkeena la beegsado ma jirto, haddaba Masuuliyadda joojinta arrintaan waxay ila tahay masuuliyad wadareed ay tahay inan wada qaadano,

1. Ugu horrayn Dawladda Soomaaliya gaar ahaan inta ay sida
    tooska ah u khusayso oo kala ah,
•   Baarlamaanka Soomaaliyeed oo ka masuul ah una
    dhaartay bulshada soomaaliyeed wanaagooda waxan ka
    codsanayaa inay diyaariyaan SHARCIYO LA XIRIIRA
    MUKHADARAADKA gaar ahaan kuwa dhibaatada sida
    gaar ka ah ugu haya dhalinyarada soomaaliyeed.
•   Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare, oo
    Ilmahan mustaqbalkooda iyo waxbaristooda ka masuul ah,
    goobaha cabashada ugu badan ay ka imaanaysana ay
    tahay goobaha ay iyaga hoostaga wasaarad ahaan.
•   Wasaaradda caafimaadka oo arrinta si toos ah ay
    saamaynayso maadama cudurrada halista ah laga qaado
    isticmaalka maandooriyayaashan.
•   Wasaaradda Ganacsiga oo iyadana laga doonayo inay
    mamnuucdo ka ganacsiga Maandooriyahan khatarta ah ee
    mustaqbalkii dhalinyaradeena halista ku ah, suuqyadana
    sida caadiga ah loogu iibiyo hadda.
2. Dalladaha waxbarashada oo looga baahanyahay inay
   dabagalaan sidii dawladdu umamnuuci lahayd daroogadan,
   wacyigalin wayna ay ugu samayn lahaayeen iskuulada
   hoostaga maamulkooda macalimiintoda, iyo waalidiinta
   ardaydooda ay dhigtaanba.
3. Dhakhaatiirta Soomaaliyeed waxa looga baahanyahay inay
    wacyigalin ku saabsan khataraha maandoriyayaasha
   siiyaan bulshada soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada
   taasoo looga digaayo cudurada halista ah ee qofka uu ka
   qaadi karo Tubaakadan TAABUUGA.
4. Culimada Soomaaliyeed oo iyaguna looga baahanyahay
    inay masaajidada iyo meel kasta oo ay fariintan marin
    karaan u mariyaan dad waynaha sidii looga digtoonaan
    lahaa khatartan ay dhalinyaradeenu wajahaan.
5. Ururada Dhalinyarada iyo kuwa ardayda waxaa looga
    baahanyahay barnaamijyo wacgalin ah oo dhailnyarada
    soomaaliyeed looga digayo halista daroogada gaar ahaan
    TAABUUDA.
6. Warbaahinta qaybeheeda kala duwan waxan ka
    codsanaynaa inay sameeyaan barnaamijyo wacyigalin ah
    iyo baaritaano lagu samaynayo khataraha ay leedahay
   daroogadan iyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo.
7. Dhamaan waalidiin ta iyo guud ahaan bulshada
    soomaaliyeed na waxa nala wada gudboon inan ku
    baraarugsanaano khataraha ay wajahaan Caruurteena iyo
   dhalinyaradeena intii karaankeena ah na aan ku dadaalno
   sidii aan ooga hortagi lahayn inay bartaan ama isticmaalaan
   maan dooriyahan khatarta ah, sidoo kale waalidiintu inay ku
   baraarugsanaadaan ilmohooda cidda ay sxb ka layihiin,
   Iskuulka iyo Jaamacadda ay xiriir fiican la yeeshaan si ay
   iyaga iyo goobta waxbarashada isaga kaashadaan waxa ku
   soo kordha Ilmahaaga.

#Gabagabadii
Aniga waxan iftiimiyay wax yar oo ka mid ah khatartan aan dareemayo inay tahay mid baab’inaysa mustaqbalka ubaxeena barito, iyo aqoonyahanada aan filayno inay samato bixiyaan dalkan iyo dadkan aan ka dhalanay, Sidoo kale TAABUU DA KALIYA MA AHAN MAAN DOORIYAYAASHA DHIBAATADA NAGU HAYA EE SHIISHADA AYAA IYADANA KA MID AH MAANDOORIYAYAASHA DHIBAATADA WAYN KU HAYA DHALINYARADA, Fadlan haddii aad awoodo inad qayb ka qaadato sidii khatartan loo yarayn lahaa cidna ha sugin ee intii karaan kaaga ah billaw, ilaahayna kaasho.

#Codsi
Haddii ay jiraan qisooyin caawin kara wacyigalinta arrintan fadlan nala wadaag, si ay ugu cibro qaataan dhalinyarada kale.

Haddii aad taqaano qof isticmaalo fadlan haka labalabaynin inad ka wacyigaliso khatarta TUBAAKADAN.

Ugu danbayntiina waxan kaa codsanayaa inad la wadaagto xogtaan cid kasta oo ay khusayso ama aad isleedahay wax un bay ka qaban kartaa Halistan aay ubexeenu wajahaan.

#Mahadsanidiin.

Warbixin Muuqaal ah oo ay ka sameeyeen Official Somali CableTV link ga hoose ka daawo


Qore // Maxamed Barawaani

Comments

  1. waa kaaga mahadcelinaya qoraalkan aadka u qiimaha badan ee aad ka sameysay arinkan qatarta ku ah shacabka Soomaaliyed .
    Run ahaantii daroogadan aya qatar weyn ku heysa dhalinyarta Soomaaliyeed wilna iima muuqato wacyigalintii ku habooneyd in lasameeyey, waxaan kaa codsanaa in aad sii wadid wacyigalintaada aadka u qiimaha badan.

    waxan helay qoraalkaga, aniga oo aad uga murugsan qatarta uu leeyahay maandooriyahan raadinayana in qoraal laga sameeyey iyo in kale.

    ReplyDelete
  2. Baccarat - Meaning, Definition, Scoring, and Meaning | Wilbur L.
    Also known as baccarat or 바카라 사이트 "baccarat", the card game involves two or more players. A dealer has the opportunity to 샌즈카지노 bet on 메리트카지노 the

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Wax badan ka ogaaw Beelweeynta mudulood

Abwaan Qaanso, Tix Gabay ah