Waxay kor uqaaday caagii(packet) caanaha


Kursi kamida kuraasti qadada oo meel fog yaalay, bey so jiidatay, iyado culeeskiisa xamilistiisa u adkaysanaysa. waxay hor keensatay firiijka. Kursigii intey kortay beey albaabkii firiijka furatay. Halkii baaket(packet) oo caanaha ahaa oo reerka uyaaley ayey firiijka kala so baxday. Caanihi bey dhulka dhigatay, markaas-bey mar labaad kursigii durjisay oo xaga weelashu yaaleen u durjisay. Kursigii bey marlabaad kortay oo koob kuso qabsatay. wey so dagtay oo caanihi iyo koobki is ag dhigatay. In ay caagi caanuhu kujiraan furto baa waqti kuqaatay. Ugu danbays wey ku guulaysatay furitaankiisi

Waxay kor uqaaday caagii(packet) caanaha, ayado isku dayeysa in ay ku aadiso koobka oo ay ku shubato. Dhibcihii u horeyay gees bey ka mareen koobkii oo dhulkey ku shubmeen. meysan rajo dhigine wey isku dayday iney ku aadiso koobka, lakiin wuu cuslaa caagu oo wuu buuxay weyna celin weysay. Meysan rajo dhigin ilaa in ay wax uun koobka ku dhacaan maogiye. Sidii ayeyna kusii shubtay caanihi. Waxaan so ag istaagay iyadii oo caanihi kala baroo bar ku shubtay dhulka, jikadii dhana caano harqanayaan. Ay qoyeeena dharkii ay qabtoo idil. Lakiin guushi ugu weyneed ayaa aheed in ay xooga ay cabi karto ay koobka kushubtay. Farxadii ugu weeneed aan dareemayna ay aheed in aan arkay gabadhayda oo jidkii isku filnaashaha cagta saartay. Intaan farxay oo boodbooday, oo kor uqaadqaday ayadoo canaheedi leh isku malaasay, hab xoogana siiyay anoo u muujiyay dhiiro galin iyo ku dhibic siin hawsha culus ay qabatay, uguna hanbalyeyay in ay maantay qaaday tilaabo gesinimo iyo isku filnaashaba ka muuqata.

Maxaa dhiba, caanaha dhulka waan ka tirtiri kara, dharkeeda qoyayna waan ka badali kara, caano kalana waan so gadan kara, balse hadaan ku qaylin lahaa qalbigeeduna jabi lahaa waligey dib uma so dhisi laheen.

Fathi gabadhayda
W/Q: Nafta uurdoox, Fatxi hooyadees

Comments

Popular posts from this blog

QATAR WAYN OO KU SOO WAJAHAN DHALINYARADEENA SOOMAALIYEED

Wax badan ka ogaaw Beelweeynta mudulood

Abwaan Qaanso, Tix Gabay ah