Adigu Ma istaqaan??.


Qofkii aan aqoon  shalaydiisa,ma yaqaan maantadiisa  halka uu joogu, kaan maantadiisa aan aqoona ma yaqaan Berri halkuu u socdo.

Haddii aad maanta Aragtay Somali wadamada reer galbeedka ka ah wadayaal gaadiid waaweyn (truck Drivers), ama kuwa Taxi-iile yaal ka ah yurub & Amerika, Hala yaabin iyaguba shalay ayeey halkaan ka ahaayeen wada yaal gaadiid.

Halla yaabin Carabta  maanta dantu kuu geeysay, iyagaba shalay ayaa dantu kuu keentay.

Bal maskaxdaada shiil oo isweeydii waxa kaa qarsoon. Bal ila fiiri dhacdooyinkaan xaqiiqda ah ee aan tusaalayaal yar kuugu soo koobay:

1-Ma xasuusataa Mr. Qulaan oo ahaa Taxiile Hindiya,  Mr.Yoogo iyo Mr.Daalacey  oo ahaayeen laba Taxiile oo  yamaniyiin ahaa  oo Xuriyada kadib Taxiile yaal ka ahaa Xamar. Sidoo kale ma xasuusataa Xuriyadda kadib  Taxiila yaal Talyaani iyo Itobian ahaa  oo Xamar shaqa u soo doontay . Halka maanta annaguna  aan taxiile yaal ka nahay wadamada reer galbeedka.

2- Ma xasuusataa in wadayaasha Gaadiidka waaweyn ee dalku u badnaayen Talyani & Ingriis shaqa soo doontay.

3- Ma xasuusataa Araday yuhuud ah oo wax ku barata dugsiyada sare ee xamar “scola secondrio italiaano” – dugsiga yusuf al kowneeyn.

4-Ma xasuusataa  sannadkii 1950 in ay dalka joogeen falastiniyiin qaxoti ah oo tuugsada , qaarkood ayaa markii dambe Magaalada Balcad u guuray, qaxooti ka yimid Koongna waxaa la dejiyay  Jowhar .

5-Ma xasuusataa  Ganacsato imaaraatka u dhalatay oo Cilaan/ Xinna, ku naadinayo wadooyinka xamar ,si looga gato, iyaga oo ku qaylinaya  “Xinna imaaraati ishtaruu yaa akhwaanuna somaali” waa cilaan imaaraadka laga keenay ee naga gata walaalaheena somaliyeedoow.,

6-Ma xasuusataa  Baxri  u dhalatay dalka Kuwait oo kawaanada Xamar ka codsanaya in Xayrta xarkaga ah loogu shubo Tango ay wataan si marka ay noqdaan ay caruurtooda iidaan uga dhigtaan, lacag la’aanna lagu siin jiray.

7- Ma xasuusataa  ganacsata waratta Yuhuuda ah oo  dhar ku hor  iibisa,   shaleema shenteraale  &  koraajo del sud ( Mogadishu Mall ka maanta ee degmada X/weyne waxaa ka mid ahaa Mr.  Bindo  & gandelo.

8- Ma xasuusataa  Farsamayaqaano Turki ahaa oo  X/ weyne kabaha ku toli jiray.

9- Ma xasuusataa  mar ay Idaacaddu  aheed  Nin makroofan wata oo istaagnaa Dahablaha X/ weyne hortiisa oo miis ku kor istaagnaa oo leh: warkii dunida .idaacaada maanta……..).

10- Ma xasuustaa habar talyaani aheed  oo la dhihi jiray Habar Maaji, oo dharka Huu dhaayga ah ku iibin jirtay dukaan  ka tirsanaa dhismaha Shalema Xamar.

11-Ma xasuusataa , Dukaan lagu iibiyo qoryaha , Bustoladaha & Rasaasta  laguuna sharciyeeynayo, oo  xuriyadda kadib  ku yiil Koraja del suud dhinaca xigga Xarunta Gobalka Bannadir ,hubkaa dadkii gatay cid ay wax ku yeelen lama soo sheegin sharciga ayeey ilaalin jireen. , sida maanta USA dukaamada loogu iibiyo hubka si sharci ah.

12-Ma xasuusataa Gaala talyaani ahaa oo makaanik gaadiidka farsameya ahaa oo Garaashyada Xamar ka shaqeysanayay sida Mr.  Bambelmi degmada X/jab jab.

13- Ma xasuusataa,  Busteejadii  Sarta Biixaani Deg/shibis ee ay ka bixi jireen Gaadiidka u socdo Adis ababa oo laga naadi jiray ,feerfeer- Adiis, soo raaca soo raaca.

14-Ma xasuusataa, in dhulgariir ka dhacay bakistaan ay somalidu aheed wadankii ugu horeeyay ee gurmad beni aadannimo la gaaray, oo aan u dirnay markab somalidu leedahay oo siday mucaawino u badneed, moos, liin, hilib lo' iyo kaluun gasacadeeysan oo warshadaha dalka lagu sameeyay,  galeey & sokor .welibana aan ugu deeqnay 500.000 USD.

Akhristoow yaana kugu badine aan caawa intaan ku simo, waa xaqiiq jirta ma ahan faan iyo mala awaal, haddii aadan soo gaarin weydii waalidkaa iyo intii soo gaartay.waxaan uga danleyahay in aad ogaato qayb yar oo ka mid ah ,xaqiiqda kaa qarsoon ee shalay, si aad u ogaato halka aad joogto iyo halkii aad qorsheysan  laheed in aad gaarto  berrito, weligaa ha niyad jabin. Geel Laba jir soo wada mar.

FG: wixii iga dhiman ku dar wixii aan khalday iga sax, arragtidaadu waa muhim, lana soco shalydaadii dhabta aheed, qormadaan xasuusinta ah oo dheereed waxaan ku soo koobay,14 qodob oo ah xaqiiqdaadii shalay, laga yaabee in  Xaqiiqdaani  ay  qaarkiin ula muuqoto wax ayna maleeyn Karin, waase dhab.

Qore: yahya Amir

Comments

Popular posts from this blog

QATAR WAYN OO KU SOO WAJAHAN DHALINYARADEENA SOOMAALIYEED

Wax badan ka ogaaw Beelweeynta mudulood

Abwaan Qaanso, Tix Gabay ah