Qormo: Kudalxiis dalkaaga!!!



Is-goyska KM Zero fogaan dhanka waqooyi bari ka xigta waxaa ku taalla xeebta Liido ee degmada Abdil-aziz. Waxaana saacad kasta ku socdaala boqollaal dhalinta caasimadda ah oo kusii jeeda xeebta.

Waxaan koox dhalinyara o an kujiray u aadnay damaashaad in aan kuso dalxiisno xiibta kuna so dabaalano.
Durdurka dhalinta xeebta timaadda awgeed, waxaa jira gaadiid shacab oo si gaar ah usoo aada dhankeeda. Qof kasta oo halkan yimaada wuxuu ku qaata waqti dheer kahor intaanu haakah ka dhihin.

Xeebta Liido waa mid aad u ballaaran. Waxay dhabarka ku heysaa dekaddii hore ee Duqda. Waxaana hareeraha kaga yaalla xarumo kala duwan oo laga helo cunnooyin fudud iyo fadhi.

Dad badan oo dalka iyo dibaddiisa ku nool ayaa jecleysta inay yimaadaan halkan. Kuwo ayaase riyadooda run ku af-meera. Waxay ugu danbeyn naftooda ka helaan iyaga oo dhex-taagan xeebta Liido. Waana mid kamid ah ujeeddo ay Muqdisho ugu soo hiloobaan.

Waxaa jira sababo badan oo bulshada Muqdisho ay usoo abaaraan xeebta Liido. Dabaashu waa isha koobaad. Dhalin-yaro badan oo isugu jira lab iyo dhedig kala da’aad ah ayaa dabaasha ku qaata waqti dheer xeebta dhexdeeda.

Gudaha qabka Soomaalida, nin walba wuxuu qeyrkii isaga tiirshaa inuu dabaasha kaga ba’an yahay. Hayeeshe, Liido waa garsooraha dhabta ah ee kala sooca kaftan iyo kaftan-dhablaha. Sida dadku isku si ugu wada riyaaqaan majeersiga dabaal-yahanimada, uguma wada dabaashaan gudaheeda. Hayeeshe, isku si ayay ugu wada raaxeystaan dhexdeeda.

Markii hore qofka aan dabaasha aqooni wuxuu ku dabaalan jiray inta biyo ee saabkiisa la siman. Waxaase timid xal loo helay dadka aan dabaasha ku fiicneyn. Jaakad-badeed ah -garba-gashi cudbi ka buuxo- ayaa biyaha lala galaa taas oo qofka ku kaalmeysa inuu ku dul sabbeeyo biyaha korkooda.

Waxaa kale oo ay kaalin ku leedahay in laf-ahaanteeda lagu dabaal barto.

Lahaanshaha dhul ballaaran oo xeebta ku jeeda awgeed, ciyaarta kubadda cagta ayaa iyadna doorkeeda ku fadhisa. Waxaa isku ballansada xeebta kooxo dhalinyaro ah oo ku xardhan maaliyado qurux badan. Xilli kasta oo aad booqato xeebta, daawasha kubadda cagta ee Liido dhexdeeda, waxay dalxiisayaal badan oo gudaha ah ku il-dajiyaan xamaasaddeeda.

Ku dhex-taalista goobo kala duwan oo dowli, daal-tirad iyo taariikhi ah awgeed,  damaashaadka iyo xusuus-galka isa-sawir la yaab kuma ahan dhexdeeda. Dad badan ayaa xeebta u yimaada kaliya inay daawadaan  ama sawirro isaga qaadaan qeyb kamid ah quruxda badda ugu dheer Afrika – halka qaar ay neecawdeeda ku neefsadaan jaceyl iyo naxariis. Waxaa kale oo ay kireystaan dooman xawaareeyaa oo u qaada masaafo dheer ee gudaha badda ah.

Si kastaba, xeebta Liido waa meel kamid ah meelaha qadiimka ah ee ka haray xarumihii dalxiiska dalka oo ay ku kulmaan labada jiil ee dhalinta culus iyo kuwa fudud. Hayeeshe, inta dib loo qalqaalinayo howlgalinta xarumihii dalxiiska iyo damaashaadka guud sida beertii Duur-joogta, Liido waxay sii ahaaneysaa isha kaliya ee ay ku kulmaan ummad–

W/Q: Axmad jubba

---------------------------------

Comments

Popular posts from this blog

QATAR WAYN OO KU SOO WAJAHAN DHALINYARADEENA SOOMAALIYEED

Wax badan ka ogaaw Beelweeynta mudulood

Abwaan Qaanso, Tix Gabay ah