Jack Ma - Sheekada cajiibka ah ee aasaasaha Alibaba

Dhamaanteen waxaanu nahay dad mar walba raadiya nolosha dhabta ah si ay u kiciyaan geeddi-socodka fikirkeena si aan u dareeno dhiiranaan joogta ah. Maalin kasta waxaan aragnaa dad badan oo oo nagu cusub, laakin qiimo badan naguma lahan waxaan jecelnahay in aan la hadalno dadka ay tahay in aan lahadalno si ay wax noola wadaagaan. Markaan caruurta ahayn sheekooyinka dhiiri galinta ah aad ayaan u jecleen waxaan ka heli jirnay kalsooni sheekooyinkaas. Daraasaduhu waxay sidoo kale ogaadeen in sheekooyinka cajiibka ah ay saameyn wanaagsan ku yeeshaan maskaxdeena, waxayna naga caawisaa inaan noqonno qof hami sare leh , deeqsinimo leh, iyo hagaajinta muuqaalkeena guud ee nolosha.

Sidaa darteed  maanta, waxaan ka sheekeyn doonaa sheeko. Sheeko ku saabsan nolosha nin oo saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dunida. Sheekada Jack waa mid  aan ka yareyn sheekadii odaygi qawaarka ahaa ee Robert (111 sano jir).

Jack Ma Yun  oo dhashay 15 Oktoobar 1964 waa ganacsade Shiinees ah, maalgashade, iyo deeq-bixiye. Waxa uu yahay aasaasaha iyo guddoomiyaha shirkada Alibaba, oo ah shirkad tiknoolajiyad ah oo caalamka ka shaqeeyso sidoo kale waa suuq wax lagu kala iibsado. Laga soo bilaabo Agust 2018, wuxuu ka mid yahay ragga ugu taajirsan dalka China waxay hantidiisu gaareysa US $ 38.6 billion, sidoo kale waxa uu kamid yahay dadka ugu qanisan aduunka. Ma ujeedkiisu waxa uu aha fikrad ku dhisan muhiimad siinta dhaqaalaha furan ee suuqyada dunida.

Marka loo eego Shirkadda ganacsiga ee caanka ah, Ma  waxa ay u arkaa safiir caalami ah ee ganacsiga Shiinaha, sidaasi oo kale waxaa badanaa lagu tiririyaa mid ka mid ah dadka ugu awooda badan aduunka waxaa sidaa daabacay wargeyska Forbes oo ka falooda arimaha dhaqaalaha aduunka. Intaa waxaa dheer, wuxuu sidoo kale u adeegaa sidii loo dhiiri galin lahaa ganacsatada ku cusub suuqa  ee raba in ay guul ka gaaran ganacigooda bilowga ah. Sanadkii 2017, waxa uu kaalinta 2-aad ka galay liiska sannadlaha ah  "50-ka hoggaamiye ee ugu sarreeya dunida (50 World's 50 Greatest Leaders" ee uu daabaco wargeyska  Fortune . 10kii Sebtembar 2018, wuxuu ku dhawaaqay inuu ka fariistay Alibaba oo uu raadinayo shaqo samafal  iyo waxbarasho ah,
Jack Ma Yun wuxuu ahaa aasaasihii shirkada wayn ee ganacsiga internetka ( eCommerce ) ee Alibaba. Waxa uu Alibaba ka billaabay guri dabaq ah oo ku yaal magalada  Hangzhou ee dalka shiinaha sanadku markuu ahaa 1999-kii. Jack waxa uu Sameeyey taarikh cajiib ah oo aan horay loo sameyn. Shiinaha ayaa ku dhibtoonaya inay soo saaraan sheekooyin badan oo qurux badan sidii kuwii Jack Ma Yum oo sameeyey.




                                                                                 Daawo waa
resyi dhameystiran ee Jack lala yeeshaywo Wa

Waxa uu la noolaa waalidkiisa, walaalkiis ka weynaa iyo walaashiis ka yareed inti uu socday kacdoonkii shuuciga ahaa ee Shiinaha iyo go'doomintii ka timid gobollada reer galbeedka. Waalidiintiisi waxeey ahaayeen muusikiistayaal mana suurta galin in u jack helo waxbarasho






Madaxweynihii hore ee Mareykanka Richard Nixon iyo booqashadii kuu ku tagay magalada Hangzhou ee 1972 ayaa wanaajisay xaalada dalxiiska ee dalka shiinaha Jack wuxuu rabay in uu ka faa'iidaysto fursaddan. Jack marwalba wuxuu rabay in uu barto luuqada Ingiriiska. Subaxdii hore waxa uu qaataa baaskiilkiisa si uu ugu dhawaado aaga gaarka darjiimada dalxiisayaasha , isagoo siinaya turjumaad Ingiriis ah oo bilaash ah. Waxay ahayd markii uu la kulmay gabar ajnabi ah oo ku dhajisay naaneesta caanka uu ku noqday  'Jack' sababtoo ah magaciisa ayey ku dhawaaqi waysay.

Markii dambe waxa u Jack ka qalinjabiyey kuliyada luuqadaha gaar ahaan luuqada Ingiriiska halkaas uu ka qaatay shahaada 1aad ee Jamacada, wuxuu u macalin luuqada ingiriiska ka noqday Jaamacada Hangzhou Dianzi  oo $ 12 bishii siin jirtay!. Jack waxa uu rabay in uu horumar sameeyo shaqooyin fara badan ayuu dalbaday Ma rumaysan doontaan inta jeer ee ninkan loo diiday shaqooyinkaas iyo sidoo kale inta jeer uu ku dhacay imtixaanada!?. Yaraantiisii, Jack Ma waxa uu ku guul dareestay  imtixaankiisa Dugsiga Hoose laba jeer! Wuxuu ku guuldareestay 3 jeer intii uu socday imtixaanadii dugsiga dhexe. Markii uu dalbanayey  jaamacada, Jack sidoo kale ku guuldareysatay imtixaanada aqbalida ah ee Jamacada saddex jeer, ka hor inta uusan ugu dambeyn ku biirin Jaamacadda Normalan ee Hangzhou. Wuxuu xitaa codsi u qoray Jaamacadda Harvard 10 jeer  - oo la diidayey mar kasta. Intaas wa kaliya inta jeer uu guul dareestay inta lagu guda jiray waxbarashadiisa!

Kadib marka uu qaatay Bachelor-ka Jack ayaa isku dayday inuu helo shaqo laakin wuu ku  fashilmay. Ka dib seddex sano oo uu ku qaatay Jaamacad, Jack wuxuu ku guuldareystay inuu shaqo helo kadib markii uu u codsaday 30 jeer!  Waxa uu wareysigiisa ku sheegayaa , "Markii KFC ay timid Shiinaha, 24 qof ayaa shaqo loo rabay. Saddex iyo toban qof ayaa la aqbalay. Waxa aan ahaa ninka kaliya ee aan la aqbalin". Waxa uu sidoo kale 5 mar codsaday  in uu ka shaqeeyo ciidanka bilayska oo ahaa qofka kaliya ee la diido waxay mar walba ku dhahaan,  " Jack Maya, wax wanaagsan maheeysid . "
Sidoo kale, isaga oo ku hawlan ganacsi abuurid , Jack Ma wuxuu ku guuldareystay inuu kor u qaado laba ka mid ah shaqadiisii ​​hore. Laakiin taasi kama horjoogsanin riyooyinkiisii.

Mid ka mid ah waraysiyadiisa, markii la waydiiyay diidmooyinkii tirada badnaa ,waxa uu dhahay "Waa hagaag, waxaan u maleynayaa in aad la qabsan doonto dhibaato walba oo aad la kulanto. Anagu ma fiicnayn waan ogaa dhibatooyinkaa waxbaan ka bartay. "Ka gudubka xanuunka diidmooyinkaa tirada badnaa iyo fursadaha badnaa ee u muuqday waxa Jack Ma sameeyey.

Kadib markii ugu dambeyntii la kulmay dhammaan himilooyinkiisii uusan helin iyo guul darrooyin tiro badan, Jack Ma wuxuu booqday Maraykanka sannadkii 1995-kii, dawladu shiinuhu  waxay fulinaysay markaa mashruuc la xidhiidha dhismaha waddooyinka. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee Jack Ma loo soo bandhigay Internetka iyo Kombuyuutarka. Kumbuyuutarradu waxay aad ugu yaraayeen Shiinaha, waxbuu ka baaray shabakada Mosaic waxaana usoo baxay natiijooyin dalal kala duwan Ka dibna wuxuu baaray 'Shiinaha' wax natiijo ah  kama uusan helin! Wuxuu go'aansaday inay tahay waqtiga ay Shiinaha iyo dadkaba heli lahaayeen internetka. Ugu dambeyntiina, asiga iyo 17 ka mid ah saaxiibadiisa kale waxay bilaabeen n ay maalgashadaan shirkaddiisa cusub ee ganacsiga - Alibaba, shirkaddu waxay ka bilaabantay gurigiisa. Ugu horreyn, Alibaba ma laheyn lacag lagu bilaabo laakin 1999-kii waxay heleen lacago maalgashi ah $ 20 Million oo ka yimid bankiga caanka ah ee SoftBank iyo $ 5 Milyan oo katimid Goldmanla laakin caqabada ugu weyn ee heeysatay Jack iyo saaxiibadiisa waxay ahayd   In la dhiso kalsoonida dadka Shiinaha iyo in laga dhaadhiciyo nidaamka lacag-bixinta iyo xirmooyinka inay amaaan yihiin.
Markii uu bilaabay shirkadiisii ​​ugu horeysay  da'diisu waxay ahayd 31 asigoon waligiiss qorin hal sadar oo Code (Luuqada Kambiyuutar lagu qoro)  ah Jack Ma waxaa uu milkiyey mid ka mid ah shabakada ugu weyn ee ganacsiga aduunka.


W/Q: Ahmed Jubba
Xigasho: www.shoutmeloud.com, ww.forbes.com, www.ft.com.
Fakirkaaga waa muhiim!

Comments

Popular posts from this blog

QATAR WAYN OO KU SOO WAJAHAN DHALINYARADEENA SOOMAALIYEED

Wax badan ka ogaaw Beelweeynta mudulood

Abwaan Qaanso, Tix Gabay ah