SIMAD DAY 2018

بسم الله الرحمن الر حيم الحمد لله و الصلا ة والسلا م علي رسو ل الله ، و بعد HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO B ahweeynta SIMAD! Waxaan hambalyo kali iyo Laab ah u diriyaa dhamaan Bahweeynta SIMAD oo u dabaal dagaya, 19 sano guuradii kasoo wareegatay markii Jaamacadda SIMAD dhidibada loo taagay oo ku beegan 6-Nov, Maalinta talaada ee nagusoo aadan. Maxay igaga dhigantahay Jaamacadda SIMAD? -------------------------------------- SIMAD markaan kusoo biiray ilaa hadda, maalin walba waxa ii kordhayey aqoon iyo wax cusub oo aanan horay u arkin, markii iigu horeesay ee aan Jamacadda SIMAD imaanayey waxaan lahaa hami iyo hiigsi oo ahaa in ay Jaamacadda SIMAD noqon doonto meel nolosheeyda kusoo kordhin doonta wax badan oo wanaagsan, khibrad iyo in aan la kulmo dad wanaagsan Alxamdullilahi way ii suurta gashay mar walba oo aan albaabka ga...