SIMAD DAY 2018




بسم الله الرحمن الر حيم
     الحمد لله و الصلا ة والسلا م علي رسو ل الله ، و بعد

                    HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO
         B ahweeynta SIMAD!

Waxaan hambalyo kali iyo Laab ah u diriyaa dhamaan Bahweeynta SIMAD  oo u dabaal dagaya, 19 sano guuradii kasoo wareegatay markii Jaamacadda SIMAD dhidibada loo taagay oo ku beegan 6-Nov, Maalinta talaada ee nagusoo aadan.

Maxay igaga dhigantahay Jaamacadda SIMAD?
--------------------------------------

SIMAD markaan kusoo biiray ilaa hadda, maalin walba waxa ii kordhayey aqoon iyo wax cusub oo aanan horay u arkin, markii iigu horeesay ee aan Jamacadda SIMAD imaanayey waxaan lahaa hami iyo hiigsi oo ahaa in ay Jaamacadda SIMAD noqon doonto meel nolosheeyda kusoo kordhin doonta wax badan oo wanaagsan, khibrad iyo in aan la kulmo dad wanaagsan  Alxamdullilahi way ii suurta gashay mar walba oo aan albaabka galo kama soo baxo anigoon lasoo bixin fakir cusub, Cilmi cusub iyo khibrad nolosheeyda wax ka badasho. sidoo kale bahweeynta SIMAD oo ah dad agteyda qaali ku ah waxaan kala kulmay soo-dhween fiican, tix galin iyo garab istaag waxay noqdeen walaalo qaali ah oo nolosheeyda kusoo biiray waxayna ii tahay farxad  in aan ka mid ahay bahweeynta SIMAD.

 RAJADEEYDA
-----------
Cid walba oo wanaag sameysa waxaa xaqiiq ah in uu Eebe garab siinayo lagamana yaabo in ay si fudud ku bur buraan, SIMAD waxay dunida kusoo biirtay 1999 waxay ka mid tahay Jamacadihii fara ku tiriska ahaa ee xaalado dhib badan kusoo shaqeeyey, laakiin ma aysan dareemin xanuunka dhibka badan oo ay kusoo shaqeeyeen, waxaa u muuqday ififaalo fiican, Hami sare iyo rajo wanaagsan iyo in ay maalin uun ku nasan doonaan arday tayo leh oo ay soo saarto, wayna suurta gashay. Waxeey ummada Soomaaliyeed u shaqeeneesa in ku dhaw 20 sano oo ah runtii waqti badan.

Jiritaankaas waxaa sababi kara- Hadafka oo aha in waxbarashada dalka kor loo qaado, la caawiyo dadka u baahan in la caawiyo, iyo in la helo meel ay ardaydu khibrado fara badan ka dhaxli karaan. Markii laga soo tago Waxbarashada fasaladda taas oo keentay in ay SIMAD ay jirto muddo fog sidoo kale waxay tusaalo fiican u noqotay jaamacaddo fara badan oo ku yaala geeska Afrika.
Rajadeeydu waxa ay tahay in Jaamacadda SIMAD ay noqoto jaamacadd dunida wax badan kusoo kordhisa gaartana guulah ay hadda gaartay kuwa kasii badan, insha'allh.

 QAAR KAMID AH GUULAHA AY GAARTAY JAAMACADDA SIMAD:-
------------------------------------
Qoraal laguma soo koobi karo guulaha ay SIMAD gaartay laakin waxaan soo qaadan doona qaar ka mid ah:

1. Jaamacada SIMAD  waa jaamacaddii ugu horeeysay geeska Afrika ee qabatay dhacdada "HUMAN LIBRARY ama BUUGAAGTA NOOL"
Waliba labo jeer.

2. JAAMACADA SIMAD waa Jaamacadda kaliya e dalka Soomaaliya ee qaada Imtixaano caalami ah oo ardayda Caafimaadka ay galaan (Intermediate Exams)  waxaana qaado qubarao caafimaad oo heer caalami ah..

3. Jaamacadda SIMAD wa Jaamacadi ugu horeeysay ee wadanka keentay ( English Skills Program- ESP) waa barnaamij ka hirgalay wadamo badan oo aduunka kuyaal SIMAD waxay muruq iyo maal ku bixisay sidii ay u keeni laheed wadanka barnaamijkan, Waxay ardaydu u qaataan qaab online iyo fasal ah intaba.

4. Online Campus Management (OCM), oo ay ardaydu kaheli karaan Macluumaadkooda sida imtixanaadka,  lacagaha , iyo macluumaad kale oo fara badan.

5. Maktabad tayo sare leh, labs ay wax kubartaan ardayda iyo Digital Library xawaara sare leh.

6. Dhisida  Dr.Sumait hospital oo dhawaan shaqo gali doona.

7. Jaamacadda oo xiriiro caalami ah lasoo sameeysay Jamacaddo baadan oo Aduunka ku yaal.

8. Jamaacada waxay Kuliyada Engineering-ka  kusoo kordhisay Lab casri ah oo ay ku diyaarsanyihiin qalab casri ah.

Qoraal kumasoo koobi karo guulaha isdaba jooga ahaa ee Jaamacadda kutilaabsatay 19kii sano ee lasoo dhaafay. Waxaana rajeyna ilaahna ka baryayaa in uu sii jiro wanaaga ay Jaamacadda bulashada Soomaaliyeed u heyso.


w/Q: Ahmed Jubba





Comments

Popular posts from this blog

QATAR WAYN OO KU SOO WAJAHAN DHALINYARADEENA SOOMAALIYEED

Wax badan ka ogaaw Beelweeynta mudulood

Abwaan Qaanso, Tix Gabay ah