Khadija watson- Safarkeedii islaamka

Khadiija waxay  ka soo jeeda California e dalka mareekanka. waxay aheed macalin hore ee diinka kirishtanka  Waxay heesata shahaada ila masterka cilmiga theology( Cilmi lagu barto muhiimada ay leedahay waxyaaba dabiiciga  ee rabaaniha ah) . Waxa ay ahayd qof aad ugu taba baran faafinta diinta kirishtinka , waxay ka mid aheed adeegayaal Masiixiyiin ah oo toddoba sano faafin ka waday dalka Filibiin.
Taasi waxay ahayd lix sano ka hor. Maanta waa Muslim iyo macallin ka tirsan Al-Hamra Foundation  Waxbarashada Islaamiga ee Jeddah. Markii ugu horeysay eey booqatay caruurteeda Maraykanka ayadoo xiran Abaya iyo Hijab  ayay ku qayliyeen, "Oh hooyo, waxa aad u egtahay sida argagixiso oo kale!" 
Khadija weligeed kuma fikirin riyooyinkeeda in ay noqon doonto qof muslim. "Anigu marnba niyadeydu kama helin in an noqon doono Islaam , waxaa nala baray in Islaamku yahay shaydaan iyo jinni!" Maxaa is beddelay? Markii ay bartay taariikhda kaniisadda oo ay bogaatay in fekerka saddexaad ee la soo saaray 325 sano ka dib Ciise Masiix, Xirfadlayaasha Khadija ma siin karaan sharaxaad ku filan. Waxa kale oo ay ka walwalsaneyd in haddii ay waxa ay baratay ay run ahaayeen, maxay ahayd sababta aysan wax uga duwanayn bulshada oo sii kordhaysay si ka sii xun?
Intii lagu guda jiray nolosheedii Filibiin, oo Khadija ka shaqeen jirtay qaab macallin ahaan laba jaamacadood, waxay is ka qortay fasal ay ka barato luuqada jarmal. Halkaas ayay la kulantay wiil  Filibiin ah, oo ay ku  faraxday barashadeeda, maxaa yeelay waxuu ahaa mid naxariis badan. Wuxuu had iyo jeer qaata boorso balaastig ah kaas oo uu u qoondeeyey masaakiinta ku sugan khadadka gawaarida wadada in uu u qeebiyo lacag. Waxa uu ku sugnaa Dubai halkaa ayuu diinta  diinta Islaamka ku qaatay. sido kale waxa fasalka joogay kirishtaan kale oo diinta islaamka ku qaatay isla sacuudiga aydana halkaas ayey ku qadatay diinta. khadiija waxa ay tiri "Waan yaabay, ma aamini karo in aan laba kirishtaan aheed o islamay aan fasalk kula kulmo muddo hal isbuuc dhaxdiisa oo anigana aan diinta halkaas ku qaato".
Waxaan ku jiray aragti, sida dad badan oo reer Galbeed ah, oo Islaamku u tixgeliyey dumarka in ay u tahay dhibato oo in nimankoodii ay xiraan oo ay garaacaan! "
waxay saxiibteeda cusub u sheegatay  quruxda Islaamka iyo sida ay tahay xoriyadii dumarka iyo ilaalinta xuquuqda haweenka. Khadija waxa ay xaqiiqsatay in haweenku reer galbkeedka ay aad ugu xumadeen fakirkooda qaldan ay ka heestaan islamk ma ahan islaamka kaliya in dusha laga saaro garaacida dumarka firi bal waxa ka dhaca wadamada aduunka ugu waween :-
"Waddanka Maraykanka, afartii daqiiqo kasta haweeneyda  waxaa garaacaya saygeeda ama lamaanaheeda si xun ilaa ugu dambeentii ay tagto qolka xaaladaha degdegga ah si ay cabashadeeda u gudbiso. UK gudaheeda, wax isku mid ah ayaa dhacaya labadii daqiiqoba mar. ! " Tirakoobyadani waxay ku saleysan yihiin kiisaska la so gudbiyey kawaran bal kuwa aan laso gudbin 
Khadija waxa ay dareemeysay garaaca wadneheeda. Miyuu khalad ku ahaa Islaamka? Filibiin ayaa soo jeediyay in Khadija booqdo Xarumaha Islaamka. "Waxaan baryay oo waxaan waydiiyay Rabbigeyga in ay i tusaan haddii Islaamku khaldan yahay iyo hadu sax san yahay . Kadibna waxaan tagay xarunta Islaamiga. Hababka so dhaweenta aan aad uga yaabay wa dad degan qurux badan aad u faraxsan . Aniga ka baadari ahaan, waxaan la socdaa xeelado iyo habab badan oo looso jiito dadka laso galinayo diinta masiixiga . lkn Muslimiintaan hal hab oo kamid ah  ma aysan isticmaalin. Ma jirto cadaadis, ma jirto filisofi fakirkiisa ad qadaneso sido kale mana jirto so jeedin qaas ah kaliya si fudud ayey iigu qeebiyeen bugaag yar yar o ka hadlaya diinta islaamka waxa ayna iigu dareen in ay igaga jawaabi doonan suaal walba oo ku saabsan diinta islaamka".
Waxay ahayd markii ugu horeysay Khadija akhriso buugaag ku saabsan Islaamka oo ay soo qoraan Muslimiin. Way la yaabtay markeey aragtay "Ebe wa hal, Eebana waa midka hodanka ah lana mahadiyo". Waxaan dib ugu soo laabtay xarunta Islaamka maalinta xigta o kadib maxa dhacay u maleynaysa? "Khadija ayaa tiri, Anigoo u adeegsanaysa dareenkeeda cajiibka ah" Waxay i siiyeen buugag badan ". Ka dib saacado badan oo akhris ah iyo in ka badan 15 doodood, Khadija ayaa ku qancay xaqiiqada Quraanka kareemka.
"Kitaabka Bible ka wuxuu leeyahay in ka badan 66 buug, 40 qorayaal ah waxaana lagu qoray dhowr luqadood oo kala duwan, Quraanka kariimka ahna isma beddelin sida bible ka wa sidiisa ." ayey tiri.
Waxay noqotay Muslimiin waxayna dooratay magca Khadija. "Sababtoo ah, sida khadija bint khuwaylid, waxan aha naag carmal ah sido kale waxaan ahay naag caruur leh, waxaan isku duubay o an nateyda u dhiibay Allah iyo barashasa diinta Islaamka sida ay khadija , waxaan sidoo kale haystaa sagaal carruur ah sida ay khadija ilah haka raadi noqdee " Khadija waxay waxay waysay dhamaan asxaabteeda iyo inta badan qoyskeeda ka dib markii ay noqotay qof muslim ah.
ilma adeerkeey o aha Filibiin o xiriir wanaagsan naga dhaxeeye xita wa u i gooyey Carruurtayda waxa ay ku ad adkaayeen diinka kirishtaanka  sababtoo ah waxaan ku dadaali jiray sidan ugu beeriha jaceelka masiixinimada  waxay qabteen kulan degdeg ah oo ku saabsan sida hooyadood ugu so celiyaan kirishtaanka.
Si kastaba ha ahaatee, wiilkeedi 18-jirka ahaa ayaa noqday Muslim. "Waxyaabaha aan rumaysan karin waxa ka mid ah, wuxuu ahaa qof u jeeda muusik iyo shukaansi kalia mana ahan qof marna ku shuqul lahaa wax ku saabsan diin waxaan sameen jiran waxaan ugu tuuri jiray qolkiisa buugaag si uu u akhriyo waxa aan u so laaban jiray asigo aysan waxba ka badalin bugagti
Laakiin wax badan ayaan u duceeye isaga iyo dhamaan caruurtayda - inay noqdaan kuwo Muslim ah. maalmo kadib,  markii uu diinta Islaamka qaatay ayuu qirtay inuu akhriyay buugaagta islaamka oo dhan oo iga ilaaliyay in aan ogaado.
Labadena asiga iga horeyey booqashada Makkah, saudi waxa u i dhahay "Hooyo gabdhaha dhan sidada ayey u labistaan waad jeclaan doonta joogitaanka meshaas"

Xigasho : IslamWeb.net
Tarjumid: Ahmed Jubba

Comments

Popular posts from this blog

QATAR WAYN OO KU SOO WAJAHAN DHALINYARADEENA SOOMAALIYEED

Wax badan ka ogaaw Beelweeynta mudulood

Abwaan Qaanso, Tix Gabay ah