Sheekadi dooliga

Dooli Aya Ku Noolaa Beer
Maalin Maalmaha Kamid ah Ayu Arkay Ninka Iskaleh Beerta Oo Sanduuq Kala Soobaxaya Birta Dooliga Loodhigo👀

Dooligi Sidi Wax Waalan inta U Cararay Ayu Beerti Ku Soo Gaaf Wareegay Asigo Ku Qeylinaya: Waawareey War Birta-Dooliga Lagu Qabto Ayeey Keen Sadeen ..Haddeey Noodhamaatay🐁

Intu Qeylada Waday Dooligi Aya Waxa Soobooday Dooro/Digaagad Waxey Tiri: Nagala Kortag Buuqa iyo Sawaxanka Birta Adiga Laguu Diyaarsaday Waana Dhib Adiga Kuu Gooni ehe. 🦃

Dooligi Waxu U Jiheestay Dhanka Wan🐑 Beerta Daaqayay Waxu Kuyiri: War is jira War is jir Ninka Beerta iskaleh Guriga Waxu Keensaday Birta-Dooliga Lagu Qabto.

Wanka Inta Dhoolacadeeyay Ayu Kuyiri: Fulay Hadaad Saas Dhan U Cabsaneysid Marka Hore Maad Iska Dhaaftid Tuugnimada,

Qofka Birta Loo Keensaday Waa Adige Qeylada Aad Madaxa Nooga Xanuuje Naga dhaaf
Waxaana Kugula Talinayaa inaad iska Dhaafto Wax Kudheelka iyo Xarkaha iyo Lacagta aad Jarjareysid.

Sidokale Dooligi Wax Soodhoweyn ah Kama Helin Lo'di
Iskadhaaf iney Soodhoweysee Kal iyo Laab Ayeey Ugu Jeesjestay

Lo'di Ayado Dooliga Ku Jeesjeeseysa Waxey Tiri: Ninka Beerta iskaleh Guriga Waxu Soodhigtay Birta-Dooliga Tolow Mawaxu Raba Aniga inu i Ugaarsado Tolow Megen Galyo Ma Weydiistaa Beerta Xayawaanada Lagu Xanaaneeyo 🐂

Intaas Kadib Markey U Cadaatay Dooligi inaan Dan iyo Heelo Lagalaheyn Waxu Go'aan Ku Gaaray inu Isku Tashado💪

Waxuuna Bilaabay inu Kor Ka ilaashada Ninka Beerta Iskaleh Halka Uu Dhigaayo Birta-dooliga

Marku Ogaaday Kadib Dooligi Hurdo Foojignaan Kujirto Ayu Hurday 🐭

Si Kedis ah Ayu Ku Maqlay Dhawaqa Birta-dooliga Oo Wax Qabatay😱

Dooligi Waxu Usoo Cararay Dhanka Eee Tiilay Birta Waxuuna Arkay Birti Oo Mas Kudhegan

Intaas Kadib Waxa Soobaxday Xaaska ninka Beeraleyda ahaa

Mugdi Jiray Awadiis Waxey Moodeysay Birta Iney Qabatay Dooli Gacanta Markey Ulaacdayna Maski Aya Qaniinay 😲

Ninkeedi Aya Si Degdeg ah Ula Cararay Isbitaalka Waxaana Lasoosiyay Dawooyin Kaalmaati ah🏥

Waxuuna Kusoo celiyay Guriga Ayado Madax Xanuun Daran Dareemeysa

Ninki Beeraleyda aha Waxu Qalay Dooradi Si Xaaskiisa Qado Oo uga Dhigo 🐔

Cabaar Kadib Waxa Isku Yimid Ehelki iyo Deriski Si ey U ogaadaan Xaalada Caafimaad Ee Xaska Beeraleyda

Waxu Ku Qasbanaaday Inu Qalo Wanki Si Oo Cunta Uga Dhigo Ehelka Meesha isugu Yimid 🐑

Balse Ninka Beeraleyda Xaaskiisi Maalma Kadib Waxey Udhimatay Sunti Maska 😭

Tacsideedi Waxa Isugu Yimid Boqolaal Dad ah 👨‍👩‍👧👥

Ninki Beeraleyda aha Waxu Kuqasbanaaday inu Qalo Lo'diisi Si Oo Cunto Uga Dhigo Dadki Tacsida Yimid🐄

Sidaas Darteed Xayawaanka Keliyah Ee Weli Nool Waxu Noqday Dooliga!!🐀

Waxuuna Ahaa Birta Qofki Loogu Danlahaa Waxu Kaloo ah Xayawaanka Keliyah Ee Dareemay Qatar iney Soosocoto☠

Halka Xoolaha Kale Ey Moodaayeen Iney Ka Fogyihiin Ulajeedada Lookeenay Birta-dooliga Mana Eysan Dareemin Wax Qatar Ama Dhib ah Iney Ku Soofood leedahay 😶

Iskadhaaf iney Dareemaane Waxey Ku Jeesjeeseen Dooligi Cabsida Kamuuqatay
___________________________________________

Ujeedo: Dhibaatada Agtaada Kadhaceysa Hadeysan Ku Quseyn Xataa Ha Yareysanin

Sababto ah Waxa Suuragal ah Iney Ku Saameyso Natiijada Ka Dhalan Doonta

#Sheer Hadaad Kaheshay
XIGASHO: RIYO KU QOSLE

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

QATAR WAYN OO KU SOO WAJAHAN DHALINYARADEENA SOOMAALIYEED

Wax badan ka ogaaw Beelweeynta mudulood

Abwaan Qaanso, Tix Gabay ah