Hanti Qaran oo lailoobay!.


Guud ahaan dhalinyarada iyo gaar ahaan ardayda waxbarata waa rajada ugu xoogan ee dhisida iyo horumarinta qaran bur buray. Ardayga Somaaliga waa hanti qaran taasoo u baahan in aan maal gishano waxaana loo baahanyahay in aan dareensiino  in ay yihiin madaxda bari. Aan abaal marino marka ay  waxbarasha guul kasoo garaan. Marka ay aadayaan Goobaha waxbarasha aan siino waxyaano dhiiri galin kara. Haday qalad galaan ha garaacin ee dareensii qaladka ay galaan. Haddi aad aragto arday wadada maraya gacanta ka qabo oo caawi ilaa uu ka gudbo goobaha halista sida laamiyada oo kale. Arintaasna waxay saameyn toos ah ku yeelan kartaa qalbiga ardayga waxa uu kadhaxli doona maskax furan, karti hoggaamineed iyo in u wadankiisa wax u qaban karo.

Ardayga haddu dareemo in ay bulshada dhaxdeeda qiimo kuleeyahay waxa uu noqon doon mid u furan waxbarashada, dhisida aragti cusub iyo mustaqbal fog waxana uu ardayga ogaan doona sida ugu wanaagsan ee loo wanaajiyo tayada nolosha mustaqbalka dalka

Sawir qaadaha: Adnan, Garowe
Waxaa qoray : Ahmed Jubba

Comments

Popular posts from this blog

QATAR WAYN OO KU SOO WAJAHAN DHALINYARADEENA SOOMAALIYEED

Wax badan ka ogaaw Beelweeynta mudulood

Abwaan Qaanso, Tix Gabay ah